NISA oo soo xirtay ganacsato la-macaamilay Al-Shabaab

NISA oo soo xirtay ganacsato la-macaamilay Al-Shabaab

Ganacsato la-macaamilay Al-Shabaab

Hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka ee (NISA) ayaa war culus kasoo saartay howlgal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday ganacsato la macaamishay kooxda Al-Shabaab, isla markaana siiyay lacago baad ah.

Qoraal kasoo baxay NISA ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA ay soo qabteen ganacsato, si gaar ah ula macaamilay Al-Shabaab, kadib markii ay soo waydiisteen lacago baad ah.

Hay’addu ma shaacin magacyada iyo tirada ganacsatada lasoo xir xiray ee lagu eedeeyay inay xiriir iyo macaamiil la sameeyeen kooxda Al-Shabaab.

Warbixin kasoo baxday Hay’adda

“Ciidanka hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugidda qaranka oo si dhow ula socday isku dayo ay Khawaarijtu si dhuumaaleysi ah baad ugu waydiisaneysay xubno ganacsato ah gacanta kusoo dhigay shaqsiyaad macaaliil la sameeyay kooxda” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale ayaa uga digtay ganacsatada Soomaaliyeed inay la macaamilaan kooxaha argagixisada, waxayna sheegtay in dhaqaalaha ay siiyaan lagu dhibateynayo shacabka.

“Hay’adda sirdoonka iyo nabad-sugida qaranka waxa ay uga digeysaa ganacsatada inay u dhego-nuglaadaan isku daya daciifka ah ee Khawaarijta ay ku dooneyso inay ku boobto hatntidooda” ayaa lagu yri warqadda kasoo baxay taliska guud ee hay’adda NISA.

Waxaa kale oo ay sii raacisay “HSNQ waxaa waajib ka saaran yahay ilaalinta hantida, sumcadda iyo badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed”.

Hay’adda NISA ayaa dhinaca kale shacabka Soomaaliyeed ugu baaqday in aysan xiriir la sameeyay Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka fogaadaan goobaha ay joogaan.

“Waxaa la farayaa dadweynaha Soomaaliyeed inay ka fogaadaan xiriirka iyo goobaha ay ku sugan yihiin Khawaarijta” ayaa lagu soo gabagabeeyay qoraalka.

Post a Comment

0 Comments