Garabkii Cabdi Xaashi oo diiday ka qeebgalka doorashada guddoonka guddiga Gobolada waqooyi

 


A C-WARAR

R / wasaare Roobley wuxuu bilaabay inuu lumiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, waxayna shacabka Soomaaliyeed bilaabeen inay kalsoonida kala noqdaan hanaanka doorashada taasoo ka dhalatay dhex dhexaad la’aanta Roobley, waana isaga mas’uulka doorashada, inkastoo uu daacad u yahay ku socota Farmaajo.

Xubno ku xiran Cabdi Xaashi oo ka socda siyaasiyiinta waqooyi ayaan ka qeyb geli doonin doorashada sababtoo ah Ra'iisul Wasaare Roobley wuxuu ka gudbay dhexdhexaadnimada, ku -xigeenkiisa Mehdi Gouled, wuxuu door biday saddex xubnood oo dheeraad ah oo Roobley magacaabay.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirkii hore ee Warfaafinta Somalia ayaa sheegay in doorashada loo ballansan-yahay ee guddiga Somaliland aysan ka qeyb-gali doonin haddii aan wax laga bedelin sida ay u socdaan, islamarkaana ay meesha ka saaran 3 xubnood ee loogu xagliyey garabka Mahdi Guuleed

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in doorashada Sabtida loo ballansan-yahay ee guddiga Somaliland aysan ka qeyb-gali doonin haddii aan wax laga bedelin sida ay u socdaan, islamarkaana ay meesha ka saaran 3 xubnood ee loogu xagliyey garabka Mahdi Guuleed.

Ra’iisul wasaaraha wax dhex-dhexaad ah ma magacaabin (Saddexda xubnood ee ka imaanaya dhanka xukuumadda) oo kuli wuxuu ii siiyey team-kii kale oo ah Ra’iisul wasaare ku-xigeenkiisa,” ayuu yiri Maareeye oo kamid ah garabka Cabdi Xaashi ee guddiga doorashooyinka Somaliland.

Anagu marnaba kama qeyb-galeyno doorasho ay galayaan 11, wixii lagu heshiiyeyna ma aha, wax ay bulshada kuraastan iska lehna ay qabto ma aha. Markaa wax qariib ah maaha in 8 xubnood is doorato oo waa wax sharci ah.”

Post a Comment

0 Comments