Ilbaxnimo waxa eey tahay

 


A C-WARAR

- Waalid ama walaalo ilbax ah haddii ay kusoo koriyeen waa ilbaxnimo.

- Waxbarashada (Diini & Maadi) waa ilbaxnimo.

- Qofka inuu adduunka amaba xataa magaalooyin badan oo dalka hooyo ku yaalla soo marana waa ilbaxnimo.

- Ciddaada ama tolkaaga maahee, inaad Soomaalida kale iyo ummaddaha kale ee ajaanibta ah lasoo dhaqantidna waa ilbaxnimo kale.

- Inaad dadka cilmiga iyo garaadka u saaxiibka ahna asxaab ama wehel ka dhigatidna ayadana waa ilbaxnimo kale.

Marka intaasba haddii aadan ahayn ilbax ma tihid, haddii aad hal iyo laba kamid ah oo keliya aad tahayne ilbaxnimadaada ma xumo lkn way yar tahay.

Ilbaxnimadaadana waa midda keeneysa hab la dhaqankaaga dadka, haddii aad tahay qof ilbaxnimo aanan lahayn amaba ilbaxnimo yar, way kugu adkaaneysaa inaad aqbashid ama is fahantaan dad kale, amaba xataa kaama nabad galayaan dadka adiga nooc ahaan iyo tol ahaan iyo magaalo ahaan xataa kaa duwan.

Waxaan rajaynayaa in bulshadeena ay inbadan aad u ilbixi doonto, furfurnaasho intaan ka badanna ay yeelan doonto.

Shaqsiyan aad baan uga wallaacaa markaan arko dhalinyaro Soomaali ah oo u fikiraysa ama u hadlaysa sidii odayaashii hore cml, oo qabyaalad iyo qashin & nin necbeysi un wada.

Niyadda hala furo marwalba, Soomaali meel walbay joogto ha la wada jeclaado, qof walboo Soomaali ah waa walaal Muslim ah iyo walaal Soomaali ah.

Intaas kahorna reer magaal aan iska dhigno Insha Allah.

 

Post a Comment

0 Comments