kaligii taliye farmaajo iyo madaxda maamul goblled ee taabacsan oo lagu eedheeyey in ey musuq-maasuqeen doorashooyinka aqalka sare

 


A C -WARAR

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamed Cirro ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in doorashada xildhibaanada golaha shacab ay madaxda dowlad goboleedyadu u maamushaan si lamid ah tan golaha Aqalka Sare.wax uu ku tilmaamey mis ku dhacdey musuq masuq doorashada aqlka sare

Hadalladii Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka ee ku saabsanaa doorashooyinka Golaha Guurtida, taas oo ah xaqiijin dawladdu ka leedahay musuqmaasuqa doorashooyinka

Doorashadii Golaha Guurtida ka dib, waxaa caddaatay in maamu gaboleedyadii taageersanaa villa Somaliya ay magacaabeen xubno taabacsan Farmaajo , taasoo walaac ukeentay Ururka Musharraxiinta

Waxaana la sheegay inaanay sharciiga waafaq-sanayn sababo la xiriira hab-dhaqanka madaxda gobollada ee daacadda u ah madaxwaynaha wakhtigiisa dhamaadey kaligii taliye farmaajo

Dhinacakale Midowga Musharixiinta ayaa dalbaday in habraaca doorashooyinka aqalka hoose ay noqdaan kuwa daah furan oo loo dhan yahay isla markaasna la ballaariyo shirka golaha wadatashiga qaran, wuxuuna golaha soo jeediyey qodobada soo socda haddaba si taas loo xaqiijiyo waxaan ugu baaqeen

 Ra’isulwasaare Rooble in uu ballaariyo kulanka ay ku ballansan yihiin madaxda madasha watashiga qaran si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah oo ku dhacda si nabad ah dalkana u horseedda xasilooni siyaasadeed

 

Post a Comment

0 Comments