kaligii taliye farmaajo oo xaley soo saarey wareegto lagu xayiraayo rooble



A C-WARAR

Weerar waji cusub ah

Farmaajo ayaa soo saaray wareegto lagu xayiraayo in Hay’adaha Dowladdu ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Arrintaan ayaa imaaneysa iyadoo berri la filaayay inay dalka soo gaarto wasiirka arrimaha dibedda Kenya Raychelle Omamo safar kaas oo ahaa mid qarsoodi ah balse warbaahinta ay ogaatay, waxaana shaki badan uu hareeyay ujeedka socdaalkeeda

Si loo ilaaliyo heshiiska Farmaajo uu la galay Itoobiya ee lagu soo dajinayo qaadka Itoobiya, Farmaajo wuxuu soo saaraa go’aan ka hor istaagaya R / wasaare Roobley inuu galo wax heshiis ama wada hadal ah inta uu socdo doorashada gaar ahaan Kenya, maadaama uusan dooneyn inuu soo celiyo xiriirkii uu la lahaa kumanaan Kenyan ah.


Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay amarka xaley kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo lagu sheegay in hay’adaha dowladda, oo ay ku jirto xukuumadda, laga reebay inay galaan wax heshiisyo ah xilliga doorashada amarkan lagu beegsanayo ra’iisul wasaare Maxamed Xasan Rooble, si looga hortago heshiis ganacsi oo uu la geli rabo dowladda Kenya, si xiriirka labada dal loo hagaajiyo, marka uu Talaadada u safro Nairoba

Post a Comment

0 Comments