A C-WARARWaxaa maanta shaqo afurin ah kawaday magalada qaybo kamid ah oo aan ugu
kuur galayay dadka danyarta ah ee aan awoodi karin afurka
Waxaa la kulmay hooyo soomaliyeed oo aad u daalan meelna iska fadhiso oo
dambiil agtaalo waaku leexday oo waa ag fariistay waxaana waydiiyay noolasheeda
& xalada ay ku sugan tahay iyadoo ay ahayd waqti maanta aad u kulul oo uu
qof weyn awoodi karin socod & wax lamid ah
Sheekadu waxay iga bilawday hooyo waa markii igu horeysay oo noolashayda
qof dhalin yaro ah igu soo leexdo misna wax iga waydiiyo xaladayda waxay tani
macnaheedu tahay in alle iga kaa soo diray oo aan ahayn dayac
Waa soomanahay waxaa ahay wiil laay waxaa hayaa ilmo yar oo aan ayeeyo u
ahay wax aan u awoodi karo majirto maalin walba socod ayaa nafta iga qaaday
xalay afur ahaan waxaa u cunay labo xabo bur ah & seddex xaboo timir ah
Noolasha ciriiri ayeey nagu noqotay kaba sii daran saakay ilaa hadda socod
ayaa ku jiraa ma helin xitaa 10 kun shilling somali wax kaleba iska daay hadana
meeshaan nafta ayaa i fariisisay quus ayaan taagnaa oo waa murugsanahay dhanka
kale waaka daalanahay imtixaan ayaan iskaga jirnaa wiilkeygiyoow
Waxaan ku dhahay hooyo ha quusan aniga ayaa garab kaaga taagan & shacabka
soomaliyeed oo dhan maantana ilaahey ayaa iga kaa waafajiyay ee hooyo kawaran
wax yar oo aan waxba ahayn hadaan ku siiyo kawrn dhabtii si qiiro & dareen
bay ii tiri waa farxi lahaa waxaana ku wareejiyay lacag aan sidaas usii badneed
oo ay maalmihii dambe isoo gaarsiiyeen walalo ku kala nool magalooyinka
dalkeena soomaliya
Dhabtii markaa gacanta ka saaray lacagta hooyada waa ay ooysay weliba said
waxayna igu tiri ilmadaan waa mid farxad ma ahan mid murug
Dhabtii waaka daba ooyay waana la ilmeeyay xaqiiqdii wax badan maba rabin
inaan ka tago waayo aad bay ii saameeysay xaladeeda nasiib daro malaheyn tell
aan kala sii xiriiro anigoo murugsan ayaan ka tagay
Hooyadaan waxay u duceysay maanta umada soomaliyeed si qaas ahna dadka ka
qayb qaatay taakulenta nafteeda & weliba daryeelida maanta waxayna tiri waa
liibaanteen guul baan idinku ogahay
Waa qiso dhabtii xanuun badan dareen badan xambaarsan oo kugu dhalinayso
hadaa madax ahaan lahayd oo hadana aan ka warqabin dadkaan maxaa aqiiro ku
yaali doono lkn damiirkeena weli waa nool yahay inta dhalin yarada soomaliyeed
joogto waxba lama arki doono oo dhib & rafaad ah insha allah
0 Comments