Xiriirka kubadda cagta oo ku adkeystay qabashada ciyaarta kama dambeysta ee horyaalka Soomaaliya.

 


A C-WARAR

Xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya ayaa ku adkeystay in la qabanayo kulanka kama dambeysta ah ee ciyaarahahoryaalka kubadda cagta Soomaaliya ee xili ciyaareedka 2020-2021 kadib markii maamulka kooxda Muqdisho City Club (MCC) uu shaaciyay in aysan ka qeyb gali doonin kulanka kala baxa ee ay la lahaayeen dhigooda Horseed

MCC iyo Horseed ayaa isugu soo haray horyaalka kubadda cagta ee dalka kadiib markii ay isku dhibco noqdeen labadaa kooxood

Guddoomiyaha kooxda kubadda cagta ee MCC Abuukar Maxamed Sheekh ayaa BBC u sheegay in sababo farsamo darteed ay u baajiyeen ciyaartii kala dhexeysay Horseed

”Waxaa jira arrimo farsamo oo aanan laga hadlin, kuwaas oo loo ballansanaa in laga hadlo Arbacadi la soo dhaafay , balse dib loogu dhigay Sabtidii, kaas oo markii dambe aysan ka soo qeyb galin maamulka kooxda Horseed” ayuu yiri guddoomiyaha

Post a Comment

0 Comments