Dib u furitaanka Xarunta Caafimaadka Bisha Cas ee degmada Baardheere oo
xirneyd Muddo ilaa 20 maalin ayaa timid ka dib markii Dayactir balaaran lagu
sameeyey Qeybahii Dabka la qabadsiiyey,Munaasabada Furitaanka ayaa lagu qabtey
isla Xarunta waxaana ka qeyb galey Maamulka degmada,Odoyaasha iyo Waxgaradka
deegaanka..
Adeegyada Caafimaad ee Bisha cas u qabato dadweynaha Baardheere ayaa waxaa
ka mid ah,Daaweynta Dhalaanka iyo Hooyada,Nafaqeynta Caruurta shanta sanno ka
yar ,kuwa liita iyo kuwa dhex dhexaadka ah,Nafaqeynta Hooyooyinka uurka leh iyo
kuwa Nuujiya ee u baahan nafaqeynta,guud ahaan bukaanada lala kulmana Bishii ay
gaarayaan in ka badan ilaa 2500 oo Ruux.
Qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka Baardheere ,islamarkaana qeyb ka
ahaa Guddigii Dayactirka ku sameeyey Xarunta Caafimaadka Bisha Cas ayaa waxay
sheegeen in xal laga gaarey Dhibaatadii ka dhacdey Xarunta Bisha cas 28kii
bishii 8aad ee sanadkan,islamarkaana diyaar ay u tahay in Bulshada deegaanka
loogu shaqeeyo.
braahin Isaaq Gaasey oo ah Xoghayaha Guud ee Ururka Bisha Cas ee Gobolka
Gedo ayaa sheegay Bukaanada Xarunta Caafimaadka u soo doonta Daawooyinka marka
laga reebo Baardheere,in kuwa kalena ay ka kala yimaadaan degmada Saakow iyo
qaar ka mid ah deegaanada hoos yimaada,shaqaalaha ka shaqeeya Xarunta ayuu
sheegay inay gaarayaan ilaa 20 ruux oo isugu jira Dhakhaatir iyo kalkaaliyaal
caafimaaad.
Gebagebadii Munaasabada ayaa waxaa ka Hadley Maxamed Weli Yusuf Qorax oo ah
Gudoomiyaha degmada Baardheere ayaa u mahad celiyey Guddigii arintan loo saarey
iyo go,aanadii laga gaarey arintan,waxuuna dhanka kale ka codsadey Bisha Cas
inay sii laban laaban Adeegyada caafimaad ee ay u hayaan Bulshada Baardheere.
Xarunta Caafimaadka Bisha cas ayaa Baardheere laga furey Sanadkii 2000,tan
iyo mudadaasina waxay Bulshada Baardheere u haysey Adeegyada Caafimaad ee aan
kor ku soo sheegnay.
0 Comments