beesha caalmka oo ugu baaqdey madaxda somaliyeed in ay dedejiyo doorashooyinka

 


A C-WARAR

Xubnaha Golaha Ammaanka waxaa warbixin ka siiyay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey xaaladda Soomaaliya ee xilligan.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay muujiyeen sida weyn ee ay uga walaacsan yihiin khilaafka joogtada ah ee ka dhex jira madaxda Dowladda Soomaaliya iyo saamaynta taban ee ku aaddan jadwalka doorashada iyo hannaanka doorashada.

Waxay ku boorriyeen dhammaan dhinacyada inay is -xakameeyaan, waxayna hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay ilaalinta nabadda, amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ugu baaqeen dhammaan dhinacyada inay ku xalliyaan khilaafaadkooda wada -hadal dan u ah Soomaaliya iyo inay mudnaanta koowaad siiyaan si nabadgelyo ah oo ay ku dheehan tahay doorashooyin hufan, lagu kalsoonaan karo oo loo dhan yahay muddadii lagu heshiiyay iyo si waafaqsan heshiisyadii 17 -kii September iyo 27 -kii May.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay ku boorriyeen Dowladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka inay hubiyaan in wixii khilaaf siyaasadeed ah aysan ka leexin tallaabo mideysan oo ka dhan ah Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee xagjirka ah.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay xaqiijiyeen ixtiraamka ay u hayaan, madaxbannaanida siyaasadeed, midnimada dhuleed iyo midnimada Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanku waxay xaqiijiyeen in Ra’isulwasaaraha yuu yahay mas’uul ka ah qabashada doorashada waana in Farmaajo uusan soo faragelin

Tilaab walba ee  kaligii taliye farmaajo u qaado in Doorashada Madaxtinimo u dhacdo sida uu rabo waxay god dheer ku sii rideysaa mustaqbalkiisa Nololeed. Farmajo kuma baraarugsano in doonta uu saaran yahay ay ugu soo galeen Biyo Culus. qaswade farmaajo ma rabo in doorashada la qabto wuxuuna ka shaqeynayaa dib u dhacooda 

Dawladaha madaxweynayaasha maamul goboleedyada ee daacadda u ah kaligii taliye M_Farmaajo waxaan uga digeenaa in ay carqaladeeyn doorashooyinka dalka REER GREEN waxaan leenahay qas inta aad u geesateen dalka ha ku filnaaato

Post a Comment

0 Comments