Fannaanada reer Suudaan ee Soomaalida Hadal-hayaan

 

fanaanada nada


A C-WARAR

Gabadha heets ee caanka ah ee reer Suudaan, Naada Al-Qalcah, waxay barteeda Facebook-ga si diirran ugu mahadcelisay Soomaalida, gaar ahaan kuwa ku taxan ee ugu hambalyeeyay in ay boggeeda uu gaaray 2-milyan oo qof oo ku xiran.

Arrintan ayaa timid ka dib markii boqollaal ka mid ah Soomaali ku taxan barteeda ay la wadaageen hambalyo iyo tahniyado la xiriira in barta ay Facebook ku leedahay fannaanada ay gaartay illaa 2 milyan oo qof.

Naada Al-Qalcah, ayaa shalay gaartay tirsiga laba milyan oo qof oo barteeda toos ugu taxan, halkaas oo ay fannaanadu taageerayaasheeda kula wadaagto heesaha ay qaaddo.

Soomaalida ka falcelisay arrintaas waxay fanaanadda ku tilmaameen mid aad looga jecelyahay Soomaaliya.

Arrintaas oo fannaanadda ay laf ahaanteeda ka falcelisay, waxayna barteeda Facebook-ga soo dhigtay farriin u dhignayd sidatan: "Salaan iyo qadarin ayaa u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, waan ku faraxsanahay in aan wada-xiriirno shacabkiinnaas aadka u wanaagsanow, waxaanan jeclahay in aan dhowaan idin soo booqdo idamka Alle".



Post a Comment

0 Comments