kaligii taliye farmaajo & Fahad oo Doorashadii Aqalka sare guuldaro weyn kala kulmeen

doorashooyinka


A C-WARAR

Doorashadii maanta Aqalka sare ee kuraasta gobollada wuqooyi ayaa waxa guuldaro weyn kasoo wajahday xisbiga Nabad iyo Nolol ee Madaxweyne Farmaajo hogaamiyo.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in lixda senetor ee maanta soo baxay ay sidii filashadooda aheyd wax ka duwan

Wasiir Dubbe oo aad loo hadal hayey inuu Nabad iyo nolol dhankeeda yahay waxa soo baxay in la isku dayey in la hor istaago,iyadoo markii hore murashaxiinta uu gudbiyey R/wasaare Kuxigeenka Mahdi guuleed balse ay khilaaf uu soo kala dhex galay.

Xildhibaan katirsan golaha shacabka Soomaaliya Mahad Maxamed Salaad ayaa si kooban uga hadlay guuldarada Xisbiga Nabad iyo nolol kasoo gaartay Doorashadii maanta dhacday.

Hoolka Afisyoone duqii Farmaajo ahaa maanta labo guuldaro ayaa looga soo xambaariyay: doorashadii Senetarada oo dhamaan dadkii uu watay looga soo adkaaday iyo maalintii Arbacada ee faalshowgu u curraafeyn jiray oo sixirfurkeedii la soo helay!

Arbaco dambe iyo doorasho hoolka Afisyoone lagu qabanayo hada kadib duqa Farmaajo ah in lagu kari waayo ayaan u malaynayaa!

Guuldarrada taageerayaasha Farmaajo waxay caddeyn u tahay heerka ay gaarsiisan yihiin siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, iyo xitaa dadka caadiga ah ee diidan Farmaajo.

Xitaa taageerayaashii sida aadka ah u taageersanaa hore ee sida weyn uga soo horjeeday Farmaajo, ayaa banaanka soo baxay kadib markii la kashifay falalka ka dhanka ah dastuurka ee Farmaajo.

Baaqa ergeyga Qaramada Midoobay, James Swan, ee ah in sida ugu dhaqsaha badan loo bilaabo doorashooyinka Golaha Wakiilada, iyadoo la siinayo dhammaan agabyada lagama maarmaanka u ah, ayaa caddeyn u ah guusha Roobley ee maareynta hannaanka doorashada iyo fashilka qaswade farmaajo

waxaan ugu baaqaya dhamaan shacabka soomaaliyeed inay ilaaliyaan anshaxa doorashooyinka si ay ula soo baxaan hay’ado dastuuri ah oo si daacad ah loo soo doortay si loo gaaro xasiloonida ay Soomaaliya ku weyday Farmaajo.4 sano nasoo dhaaftey weynu aragney dhibaato naku filan

Post a Comment

0 Comments