kooxdi daacad u ah Farmago oo mid mid uga siibanaayo

 


A C-WARAR

Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA uu dhawaan u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa agaasimaha Nabadsugida ee gobolka Banaadir u magacaabay G/lle Muxidiin Mohamed Jimcaale (Warbac).

Xilkan ayaa waxaa horey u hayey Yaasiin Farey, inkasta oo markii dambe Madaxwane Farmaajo u magacaabay agaasimaha hay’adda NISA. Warqadda Bashiir Goobe, laguma soo hadal qaadin Yaasiin Farey.

Waraaq magacaabis oo kasoo baxday Agaasimaha KMG ee hay’adda NISA ayaa waxaa lagu faray dhamaan agaasinada hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka inay ka gutaan mid walba waajibaada kaga aadan.

“Danta shaqada qaranka awgeed, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 15.09.2021, waxaan u magacaabay Sarkaalka G/lle: Muxidiin Maxamed Jimcaale (Warbac) inuu noqdo Agaasimaha HNSQ ee Caasimadda,” ayaa lagu yiri waraaqda.

Ugu dambeyntiina Agaasimaha KMG ee NISA, Sareeye Guud Bashiir Goobe ayaa sarkaalka cusub u rajeeyay guul iyo shaqo wacan.

Farmaajo oo la rumeysan yahay inuu badbaadinayo shaqsiyaad ka tirsan hay’adda NISA ayaa doonaya in kiiskan lagu baabi’iyo guddi ay caddahay inaan warkooda dib loo maqli dooninaxaa sidoo kale jirta in Ikraan Tahliil Faarax ay aheyd sarkaal ciidan oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya sidaas darteedna ay tahay inay baarto oo kaliya Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida 

Farmaajo ayaa la sheegay inuu si gaar ah uga codsaday Guudlaawe inuu keeno shaqi uu hubo inaan dhinaciisa laga soo mareynin oo loola jeedo inuu baabi’in doono baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil arrintan ayaa waxaa hadda ka war helay odayaal ka tirsan beesha Abgaal oo isku dayaya inay ka hortagaan isku dayga Farmaajo shuute ayaa caan ku ah inuu 

Arrintan ayaa imaneysa xili ay weli taagan tahay xiisada ka dhalatay magacaabista Agaasimaha KMG ee NISA, kadib markii uu xilka ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha agaasimihii NISA Fahad Yaasiin .

Post a Comment

0 Comments