Kuwii ku dhowaa Farmaajo waxay bilaabeen inay weeraraan, oo uu ku jiro macallinkiisii ​​hore

 


A C-WARAR

Nabadoon Maxamed Xasan Xaad oo maanta hadal ka jeediyey kulan ay isugu yimaadeen odayaasha iyo waxgaradka Soomaaliyeed Nabadoon Xaad ayaa sheegay inay si buuxda u taageersan yihiin Ra’isul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, isagoo xusay inay waligood taageeri jireen uuna mudan yahay in la dhiira geliyo, isla markaasna si wanaagsan loola shaqeeyo.

Nabadoonka ayaa sheegay in dalka iyo dadkaba ay kasoo daaleen khilaaf iyo dhibaatooyin, isagoo xusay in hadda uu dalka gacanta ugu jiro qolo ay fowdadu ku cusub tahay oo aan daalaneyn, sida uu sheegay.

Waan taageereynaa Ra’isul wasaaraha, waligeyna waan taageeri jirnay, waxaana ku taageereynaa geedi socodka doorashada, iyo go’aanadii uu dhawaan qaatay, kuwaas oo aan u aragno inay yihiin badbaado qaran,” ayuu

Dhinacakale Muxiyadiin Darbo Weyne oo sheegay inuu macalin u ahaa madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa ku dhaliilay hab maamulkiisa iyo in uu jeebka kala soo baxay dhaqan qaab daran, xilli ay ka dhamaaday afartii sano ee la doortay.

Waxa uu  sheegay in RW Rooble uu wax badan ka xishoonayo, si dalka aysan uga dhicin dagaal hor leh, isagoona ku taliyey in lagu ixtiraamo oo looga dambeeyo arrimaha dalka, xiliga kala guurka

waxa uu kula dardaarmay bulshada iyo siyaasiyiinta Soomaaliyeed in la garab istaago Ra’iisul Wasaaraha oo lala qaato nabada iyo maslaxa uu wado, si doorasho loo gaarsiiyo dalka.

Kuwii ku dhowaa Farmaajo waxay bilaabeen inay weeraraan, oo uu ku jiro macallinkiisii ​​hore, Muxyidiin Darbo Win, oo weerar culus ku qaaday.

Dhammaan siyaasiyiinta, odayaasha iyo aqoonyahannada diinta ayaa taageeray Ra’iisul Wasaaraha kadib khilaafkii iyo rabshadihii ka dhashay tallaabooyinka Farmaajo.

 

 

Post a Comment

0 Comments