Lionel Messi ayaa si qurux badan waxa uu goolkiisii ugu horreeyay ugu
dhaliyay kooxda Paris St-Germain xilli ay kooxda Manchester City ku garaaceen
ciyaar ka tirsanayd koobka Champions League-ga.
Messi, oo kulankii afraad u dheelay kooxda PSG tan iyo markii uu
isaga soo tagay kooxda Barcelona, ayaa kubadda ka jiiday Khadka dhexe iyadoo ay
isku dhufsadeen ciyaaryahan Kylian Mbappe, markaas oo goolhaye Ederson uu
haleeli waayay dhinac uu goolka ka celiyo, sidaasna uu Messi si cajiib ah
shabaqa kubadda u cuksiiyay.
Kooxda Manchester City ayaa abuurtay fursado badan oo ay goolal badan
ku dhalin kartay oo kubad uu madaxa la helay Raheem Sternling ayaa birta ku
dhacday kaddibna Bernardo Silva ayaa tiirka goolka ku garaacay xilli gooshuna
aanay cidina ku jirin.
Todoba jeer ayuuna goolhaye Gianluigi Donnarumma ka hor istaagay kooxda
Manchester City inay gool ka dhaliyaan, ciyaartaas oo u aheyd middii ugu
horraysay ee PSG ugu safto Champions League-ga.
Saddexdii ciyaar ee hore ee uu Messi u saftay kooxda PSG ayaanay u
suuragelin inuu wacdaro dhigo, oo wax gool ah muusan dhalin mana baasin.
Hasayeeshee xalay habeenkiisa ayey aheyd markaas oo wax walba ay
isbadaleen, oo kubad uu Mbappe ciribta ugu dhigay ayuu Messi si qurux badan u
dabamariyay goolhaye Ederson.
Waa goolkii todobaad ee uu ku dhaliyo shan kulan oo Champions League
ah uu kaga hortagay koox uu maamulo Pep Guardiola – tababarihiisii hore ee
Barcelona – waxa uuna sidoo kale ahaa goolkii todobaad ee uu ka dhaliyo kooxda
Manchester City.
Fursadda kaliya ee uu goolka Messi ku helay waxa ay aheyd goolka uu
dhaliyay – hasayeeshee habeen ay kooxda Man City ku qasabtay kooxda PSG inay
howl adag qabato, ayaa ruugcaddaagan qeybtiisa ka ciyaaray.
Ku dhawaad saddex meelood oo meel kubadaha uu taabtay qeybta
kooxdiisa ayuu ku dheelay, oo ay ku jirtay mar uu Riyad Mahrez ku lagday meel
aan sidaas goosha kooxdiisa uga fogayn.
Kooxda PSG oo ku guulaysatay dhammaan ciyaaraha tartanka Ligue 1-ka ee
horyaalka Faransiiska ayaa haatan ah koox ka duwan middii laba kulan ay Man
City ka adkaatay nus dhammaadka tartankii sanadkii hore.
0 Comments