A C-WARAR
MINNEAPOLIS:-Waaxda booliska magaalada Edina ee
gobolka Minnesota ayaa xaqiijisay in la helay meydka Ikhlas Cabdullahi Axmed oo
aheyd laba jir ah, taas oo muddo 18 saacadood ah la raadiyay, kaddib markii
qoyskeedu ay waayeen.
Meydka Ikhlas ayaa laga helay haro biyo oo u dhaw barxadda lagu ciyaarsiiyo
carruurta ee Rosland Park oo markii ugu dambeysay ay la joogtay xubno ka tirsan
reerkeeda.
Ciidamada booliska, dabdamiska iyo kooxaha gurmadka oo dhow magaalo ka kala
yimid ayaa baaritaan dheer kaddib helay Ikhlas oo aheyd gabar yar oo la
xanuunsaneyd cudurka Austism-ka
“Anigoo ku hadlaya magaca magaalada Edina, waxaan rabaa inaan tacsi
tiiraanyo leh u diro qoyska gabadhan yar, musiibadan xoogga leh waxay saameysay
qalbiyadenna” ayuu yiri taliyaha booliska magaalada Edina Tod Melbourne.
Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Edina ayaa xalay iskugu yimid
kulan baroordiid ah iyo duco ahaa.
Gobolka Minnesota oo ah gobolka ugu waraha badan Mareykanka ayaa ilaa hadda
sanadkan waxaa biyaha ku geeriyooday 26 qof.
0 Comments