Saddex ciyaartooy u dhashay Jabuuti oo Faransiiska iska dhiibay



 A C-WARAR

Saddex ciyaartooy oo ka tirsan xulka qaranka ee Jabuuti ayaa magangelyo ka codsaday dalka Faransiiska halkaas oo muddo toddobaad ah ay ku sugnaayeen garoonka diyaaradaha ee Paris.

Mid kamid ah ciyaartooydan ayaa loo ogolaaday in uu ka baxo garoonka, Nasrudin Cabdi Abtidoon ayaa ka baxay garoonka Orly ee Paris kadib markii uu ku guuldareystay in uu raaco diyaarad ku wajahneyd Morocco halkaas oo ay kula ballansanaayeen xulka qaranka Niger xilli ay socotay ciyaaraha isreeb reebka Koobka Adduunka.

Horraantii bishan ayay aheyd markii xulka qaranka Algeria ay 8-0 kaga badiyeen Djibouti.

Ciyaartooyda xulka qaranka Jabuuti ayaa sii maray Faransiiska si ay u gaaraan Morocco maadama Algeria ay xiriirka diblumaasiyeed u jartay dalalka ku yaalla waqooyiga Afrika, waxaana adkeyd in loo safro Morocco. Niger waxay ka badisay Jabuuti, waxaana Jabuuti xilliggaas guri u ahaa Morocco maadamada xiriirka kubadda cagta adduunka uu sheegay in Jabuuti aysan laheyn garoon u qalabeysan ciyaar caalami ah.

Dhawaan ciyaartooyda kala ah Bilal Xasan iyo Abuubakar Cilmi ayay dowladda Faransiiska ku amartay inay isaga baxaan garoonka.

Waxaana saddex ciyaartooy la siiyay muddo saacado ah si ay u gudbiyaan codsigooda si loogu ogolaado in muddo saddex bilood ah ay sii joogaan halkaas oo ay kiiskooda u gudbistaan.

Hay'ad u doodo arrimaha xuququul insaanka oo caawineysay ciyaartooyda ayaa ka cabsi qabtaa in ciyaartooyda kala ah Bilaal Xasan iyo Abuubakar Cilmi oo u shaqeeya dowladda Jabuuti in la xiro isla markaana loo diido in magangelyo ay ka helaan dowladda Faransiiska loona tarxiilo Jabuuti.

Abuubakar wuxuu ka tirsan yahay booliska Jabuuti halka sababta Bilaal Xasan uu u magangelyada uga raadsaday Faransiiska ay tahay in lagu khasbay in fuliyo amarro xilliggii uu ka tirsanaa ciidamada ilaalada madaxtooyada Jabuuti.

 

Post a Comment

0 Comments