Dhallinyarada ku nool Soomaaliya ayaa ka mid ah kuwa ugu halista badan
saamaynta isbeddelka cimilada oo halis ku ah caafimaadka, waxbarashada, iyo
deegaanka, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hey’adda UNICEF ee
Qaramada Midoobay.
Warbixintu waxay ogaatay in 2.2 bilyan oo carruur ah ,ku dhawaad 1 bilyan
oo adduunka ah ay ku nool yihiin 33 wadan oo lagu tilmaamay inay yihiin “kuwa
aadka u halista badan,Soomaaliya ayaana ka mid ah dalalkaas, iyagoo ku jira
darajada 4 -aad
Warbixinta ayaa sheegeysa in carruurta Soomaaliyeed ay saameeyeen wasaqowga
biyaha iyo fatahaadda webiyada, sidaa daraadeed,maalgashiga adeegyada bulshada,
gaar ahaan caafimaadka carruurta iyo nafaqada iyo sidoo kale biyaha, nadiifka
ah iyo fayadhowrka ayaa wax weyn ka beddeli kara awoodda aan u leenahay inaan
ilaalino mustaqbalka caruurts.
“Dhibaatada cimiladu waa dhibaatada xuquuqda ilmaha,” ayuu yiri Wakiilka
UNICEF Somalia Maxamed Ayoya. Wuxuuna intaa ku daray in ay lagama maarmaan
tahay badbaadinta carruurta Soomaaliyeed iyo mustaqbalkooda .
Waxaan u baahanahay inaan si wadajir ah wax uga qabanno oo aan maalgelinno
adeegyada muhiimka ah, sida,daryeelka caafimaadka iyo adeegyada waxbarashada
carruurta. waayo “waxay caruurtu xaq u leeyihiin inay noolaadaan oo laga dareemo
horumarka dadka “ayuu yiri wakiilku..
“Isbeddellada deegaanka ee cabsida leh ee aan ku aragno daafaha dunida
waxaa dabada ka riixaya dad yar”Waana inaan si deg -deg ah u yareynaa qiiqa
gaaska,si loo helo duni wanaagsan oo ay ku barbaaraan caruurta.
0 Comments