Weyneysashada faruuryaha iyo gabdhaha Soomaalida: Ma quruxu mise qarash, khatar iyo qurux beel?

 


A C-WARAR

Baraha bulshada waxaa ku baahay haween badan oo Soomaali ah oo durtay dibnaha ama faruuryaha, si ay dabcan qurux uga raadiyaan.

Dad badan ayaa u arka in dibnaha loo weynaystaa ay qayb ka tahay quruxda qofka, halka kuwo kale ay u arkaan foolxumo la soo korodhsaday.

Qalliimada macmalka ah ee qofku ku beddelayo xubnihisii, isaga oo baadigoobaya qurux ayaa ku cusub Soomaalida dhexdeeda.

Weynaysashada dibnaha ayaa muddooyinkii danbe aad uga baahday dunida oo dhan, iyada warbixinaha la sameeyey tilmaamayaan in dhallin yar badani ay hawshaa ay u hawlgaleen.

Dadka caanka ee baraha bulshada isticmaala ayaa ah kuwa ugu badan ee saameeyey dhallinyartaas, ee ay ku dayanayaan.

Mid ka mid ah gabdhaha isticmaalay, Filsan ayaa warbaahinta maxaliga ah u shegetay, "Waligeey waxan jeclaa inaan weyneesto furuuryaheyga. Maanta waan ku faraxsanahay in faruuryaha la ii weyneeyay. Waxaan dareemayaa Qurux aan horay u laheen. Markii hore faruuryo yaryar ayan qabay hada kuwa qurux badan ayaan helay" Filsan oo ku nool Muqdisho ayaa Maanta qaliin looga sameeyay faruuryaheeda. Waana loo weyneeyay sida sawirada ka muuqata. "Qurux ayan ahay" ayey tiri

Waa maxay khatarta ay leedahay?

Meelo kala duwan oo dunida ha sida UK ayaa laga istcimaalaa, balse waxaa jira baaqyo soo baxaya gudah UK oo ha in sharci laga soo saara weyneynya faruuryaha iyo qaabka loo sameynaya. Dad qaar aya ka cabanaya khatarta ka soo gaadhay.

"Waxay gaadhay heer ay faruurtaydu dhab ahaantii bilawday inay korto, aad bay u xumaatay runtii waxaan dareemi karaa inay bilaabeen inay kala tagaan. "32-jir moodeel ah Lora Mua, ayaa sidaasi sheegtay.



Post a Comment

0 Comments