Sawirro laga soo qaaday lammaane aroos ah oo dhex fadhiya digsi weyn oo dul
sabbeynaya biyaha daadka ah ee waddooyinka ku fatahay ee koonfurta Hindiya,
ayaa niyadda u dhisay dadka gobolkaas oo ay saameeyeen musiibooyinka ka dhashay
roobabka mahiigaanka ah.
Waxa ay u egtahay in aysan jirin wax caqabad ah oo lammaanahan ka hor
istaagi karay xafladooda arooska, xitaa daadadka daran ee ku dhuftay tuuladood.
Akash iyo Aishwarya waxaa ka go'neyd in aysan ka baaqanin maalinta weyn ee
arooskooda oo Isniintii ka dhacayay xaafadda Thalavady ee ka tirsan gobolka
Kerala.
Sawirrada lammaanaha, oo labadoodaba ah shaqaale caafimaad, ayaa si weyn
loogu faafiyay baraha bulshada, waxaana la arkayaa iyagoo adeegsanaya digsiga
ay doonta ka dhiganayaan.
Roobabka mahiigaanka ah ee ka da'ay gobolka Kerala ayaa sababay fatahaado
waaweyn halka meelaha qaarna uu dhulka go'ay.
Goobta uu ka dhacayay arooska Akash iyo Aishwarya, oo ah macbad yar oo ku
yaalla Thalavady ayay sidoo kale daadadku u saameeyeen qayb ahaan.
Lamaanahan ayaa digsiga weyn kasoo ergaday xarun kale oo ku taalla iska
deegaanka, waxa ayna codsadeen in lagu caawiyo sidii ay biyaha ugu dhaqaajin
lahaayeen doontooda macmalka ah ee ka sameysan digsiga cuntada lagu kariyo.
Waxaa sawirrada laga arkayaa rag lamaanaha ku riixaya digsiga ay dhex
fadhiyaan, xilli ay ku wareejinayeen waddooyinka si ay arooska u galbiyaan.
"Arooskii waxa uu isu baddalay mid aan waligiis noociisa lagu
fakarin," ayay tiri Aishwarya oo ah aroosadda, mar ay la hadleysay
warbaahinta maxalliga ah ee Asianet.
Arooskan cusub ayaa sheegay in markii hore ay qorsheeyeen inay sameystaan
munaasabad iska yar oo ay kasoo qayb galaan dad kooban oo ka mid ah xubnaha
qoysaskooda, balse hadal heynta ka dhalatay arooskooda iyo sawirradooda faafay
ayay u arkaan mid aad u xiiso galisay arooskooda, sababna u noqotay in laga
ogaado meelo badan oo ka mid ah caalamka.
Akash ayaa sheegay in isaga iyo gabadha uu guursaday ay maalinta arooskooda
qorsheeyeen muddo ka hor, sidaas awgeedna aysan dooneynin inay dib usii
dhigaan.
Waxa uu intaas ku daray inay ku adkeysteen fulinta arooska, maadaama aysan
ogeyn waxa kale ee dhici kara, sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka ee PTI.
Mar uu ka hadlayay digsiga ay doonta ka dhigteen ayuu sheegay inuu ahaa
waxa kaliya ee ay sameyn kareen maadaama ay howshu ahayd mid deg deg ah.
0 Comments