Banaanbaxyo aad u xooggan oo maalintii labaad ka socdo caasimada dalka ee Muqdisho

 

muqdhisho



A C-WARAR

Muqdisho caasimada dalka ayaa maalintii labaad la gariirayso banaanbax looga soo horjeedo dagaalka magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada hogaamiye kooxeedka farmaajo oo kaashanaayo kuwa maamulka iyo Ahlu-Sunna oo dhinac ah

Farmaajo ayaa noqday mid ay neceen dhamaan shacabka Soomaaliyeed, waana in laga saaro doorashada soo socota Waxay sheegen qaar kamid ah banaan baxayaasha inaysan ogolaan doonin in lagu sii dagaalmo Guriceel, iyaga oo ku eedeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday iyo madaxweynaha Galmudug inay colaada sii hurinayaan.

Dagaalka ka socda Guriceel ayaa galay maalintiisi afaraad waxaana weli qeybo ka mid ah magaalada laga maqlayaa rasaas teel-teel ah oo u dhaxeysa labada dhinac shacabka banaanbaxaya ayaa codsanayaa in lala dagaalamo Al-Shabaab

oo maalin walba dila shacabka masaakiin ah oo waxba haleynin inta ay la dagaalami lahaayeen ahlu suna laakiin farmajo iyo fahad yaasiin oo xiriir wanaagsan kala dhaxeeya kooxda alshabab ayaa afartii sano aan lala dagaalamin waa in farmajo iyo kooxdiisa laga qabtaa dalka inta aysan burburin 

is Khilaaf xooggan ayaa ka dhax muuqdah  hadalka Farmaajo ee ku saabsan argagixisada Al-Shabaab iyo ficillada uu kula kacayo, maadaama uusan qaadin wax tallaabo ah oo uu meesha ka saarayo maadaama uu xiriir la leeyahay oo uu u adeegsado inuu ku gaaro danihiisa gaarka ah.

Xoga hoose ayaa oo laku kalsoonyaha sheegay in magalaada Guriceel maanta lagu arkay rag hubaysan oo Alshabaab ah kuwaas oo kayimid Ceelbuur iyo deegaanada hoosyimaada kana barbar dagaalamaya ciidanka fadaraalka iyo kuwa Galmudug. farmaajo iyo fahad ayaa kooxdaan u adeegsadah danohooda khaaska ah

 Kooxda Al-Shabaab ayaa ku sii fidayaso marba marka ka danbaysa gudaha dalka yadoo awood sii yeelanaysa, waxaana xusid mudan inaanay jirin ilaa hadda tallaabo cad oo uu Farmaajo u qaadayo inuu kusoo afjaro.

Post a Comment

0 Comments