cabsi laga qabo Webiga Shabeelle inuu soo fataaho

 

Shabeelaha Dhexe.

A C-WARAR

Xildhibaanka waxa uu sheegay in Dadka degen Degmooyinka Jowhar, Mahadaay & Balcad ay welwel ka qabaan in uu markale fatahaad ku sameeyo Webiga Shabeelle oo haatan buux dhaafiyay sida uu hadalka u dhigay.

“Jowhar, Mahadaay & Balcad weli dadka kama soo kabsan fatahaaddii uu ku sameeyay Webiga Shabeelle, waxaa la galay Xiliga deyrta oo biyo badan ayaa ku hooraya Webiga” Sidaasi waxaa yiri Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar.

“Buqda Boodaale ayaa Degmada Balcad ku furtay biyo badan weli lama xirin, xalka keliya waa in la sameeyaa kahortag wadajir la isaga kaashado si meelaha fatahaadaha uu ka sameynayo Webiga loo dhigo Jawaanno” ayuu yiri Xildhibaan Cumar.

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad uu ku sameeyay Gobolka Shabeelaha Dhexe April, May & June waxa ka dhashay barakac, dhul beereed badan oo ba’ay & burbur gaaray qaar kamid ah xaafadaha Degmada Jowhar.

Xukuumadda Federaalka & DG Hir-Shabeelle ayaa wadajir u sheegay in ay iska kaashanayaan wax ka qabashada fatahaadda Webiga Shabeelle oo tallaabada keliya haatan la qaado tahay in laga hortago inta uusan karkaarada jabsan.

 

Post a Comment

0 Comments