Afar Nin oo walaalo ahaa ayaa isku mar ku geeriyooday ceel biyood ay ku
dhaceen, kaas oo ku yaalla tuulada Hora-hawd oo u dhaw magaalada Jigjiga ee
Xarunta Dowlad Degaanka Soomaalida.
Allaha u naxariistee Raggan ayaa ku geeriyooday Ceel kuyaal Togga Faafan,
kaasi ahaa mid ay iyaga qodeen si ay Biyo uga cabaan, balse halkaas ayay si
wada jir ah ugu geeriyodeen xilli ay doonayeen inay ku waraabiyaan beer ugu
taalla gudaha halkaas.
Ehellada Afartan nin ee dhintay ayaa sheegay in saacado kadib markii ay
ceelka ku dhaceen la ogaaday, kadib markii uu kusoo wargeliyay mid kamid ah
Shaqaalaha Beerta.
Bulshada degaanka Faafan ayaa waxaa ay ku guuleysteen inay Ceelka kasoo
saaraan Meydadka Afarta Nin oo ku jiray in ka badan lix saacadood, waxaana
islamaanta lagu Aasay Tuulada Hora-hawd.
0 Comments