Ciidamada Kenya oo ‘dad shacab ah iyo xoolo badan ku laayey’ Jubbada Hoose

 

somalia

 A C-WARAR

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Kenya ay toogasho u geysteen dad shacab ah oo ku sugnaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Somalia.

Dhacdadan ayaa ka dhacday Raaskaambooni, waxaana dadka ay waxyeelada ay soo gaartay ay ahaayeen xoolaley ku dhaqnaa halkaasi.Toogashadan ayaa waxaa ku dhintay nin lagu magacaabi jirauy Carab Qoriyow oo ka mid ahaa dadka deagaanka, halka ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale oo rayid ah.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Kenya ay laayeen xoolo fara badan oo gaaraya ku dhowaan illaa 50 neef oo Lo’a ah oo ay lahaayeen dadka deegaanka.

Kenya dagaalka iyo xasuuqa shacabka Soomaaliyeed ma bilaabin xilligan ee waa cadaawad gamuurtay oo wakhti dheer soo jirtay waxa ee hada bilaabdey in shacabka Soomaaliyeed ugu soo dhuumato la dagaalan Al shabaab

kaligii taliye Farmaajo waa inuu oggolaadaa in ay Qaramada Midoobay kormeerto ciidamada Midowga Afrika illaa laga soo afjarayo hawlgallada aargoosiga ah ee ay wadaan ciidamada kenya taasi oo bilaabatey tan iyo markii ay dacwada badda ay bilaabatey

Diidmada Farmajo ee soo jeedinta ku wareejinta kormeerka ciidamada Midowga Afrika ee Qaramada Midoobay ay ku imaanayso in lagu soo rogo Somaliya rabshado iyo xasillooni -darro ayna u aqoonsadaan dalka ka taliyaan argigixiso shacabkane ay weyaan dhaqaalahooda waa in shacabka iska qabtaan farmajo iyo kooxdiisa oo aan rabin in dalkaan laga xureeyo alshabab si dalkooda ay ugu faa'ideystaan kheyraadkiisa

 

Post a Comment

0 Comments