dalka Liibiya Tahriibayaal ka baxsaday goobtii lagu hayey oo lagu toogtay

 

somalia


A C-WARAR

Ugu yaraan 6-ruux oo tahriibayaal ah ayaa ku geeriyooday rasaas ay fureen ciidamo ku hayay xarun lagu xareeyay Dadka Soogalootiga ah sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Hay’adaha Qaramada Midoobay ee fadhigoodu tahay Dalkaas.

Koox Tahriibayaal ah oo ku jiray goob lagu ilaalinayay ayaa isku dayday in ay baxsato, waxaana marqura lagu riday rasaas xooggan oo sababtay dhimashada ugu yaraan 6-ruux iyo dhaawaca dad kale oo tiro ahaan la shaacin inta ay gaarsiisan yihiin.

“Toogasho ayaa bilaabatay, kaddib markii tahriibayaal goob lagu hayay ay isku dayeen in ay baxsadaan, dhimashada ugu yaraan 6-ruux, weli lama xaqiijin jinsiyaddooda” sidaasi waxaa yiri sarkaal katirsan Qaramada Midoobay.

Ciidamada ammaanka Liibiya ayaa kordhiyay howlgallada lagu qabanayo Tahriibayaasha, waxa ay xireen in ka badan kun ruux oo dalal kala duwan u kala dhashay kuwaas oo doonaya in ay gaaraan dalalka Yurub.

Hay’adaha hoostaga Qaramada Midoobay oo gacanta ku haya diiwaanka dadkaan ayaa baaraya in ay aqoonsadaan dhalashada muwaadiniinta ku dhimatay rasaasta lagu furay sidaas waxaa Warbaahinta u sheegay sarkaal katirsan Hay’adda Socdaalka Qaramada Midoobay ee IOM.

 

Post a Comment

0 Comments