Difaaca Manchester United oo xaley Maxamed Saalax dhulka ku jiidey

ciyaaraha




 A C-WARAR 

Maxamed Saalax oo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee Liverpool u dheela ee saddex gool ku dhaliya garoonka Old Trafford tan iyo 1996.

Ciyaartii xiisaha lahayd ee garoonka Old Trafford ku dhexmartay kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa gelinkii hore ee ciyaarta waxaa lagu kala nastay 4 iyo 0 ay ku gacan sarraysay kooxda Liverpool.

Difaaca Manchester United ayaa isku dhexyaacay ka dib markii Naby Keita uu Liverpool u daahfuray goolka koowaad halka Diago Jota uu u labeeyey. Labada goo lee kale ayaa waxaa shabaqa ku hubsaday Maxamed Saalax.

Gelinkii dambe ee ciyaarta ayaa goolkii 5-aad waxaa Liverpool u dhaliyey Maxamed Saalax oo caawa noqday ciyaartooygii ugu horreeyey ee Liverpool ka tirsan ee Old Trafford saddex gool ku dhaliya tan iyo sannadkii 1996-dii.

Gool uu Manchester United u dhaliyey Christiano Ronaldo ayaa la diiday ka dib markiiuuqaalka garsooraha caawiya uu sheegay in uu garab dhaaf ahaa.

Paul Pogba ayaa la siiyey karaka guduudan ka dib markii uu khalad ku galay ciyaaryahay Nabby Keita.


Post a Comment

0 Comments