diyaarad ay ka soo daadatay wasakhda musqusha oo Dood ka dhalatay

 

london

A C-WARAR

Ingiriisku inta badan wuxuu ku mashquulsan yahay cimilada, balse hal nin oo ka soo jeeda Berkshire, ee galbeedka London, ayaa lahaa sabab gaar ah oo uu kaga welwelsan yahay samaawaadka isaga ka sarreeya.

Waxa uu ku nasanayay beertiisa markii "qashin aad u xun ku soo firdhismay" waa saxarada iyo kaadida aadanaha, oo diyaarad ka soo dhacday.

Waxay dhacday bartamihii bishii Luulyo, balse hadda ayay soo shaac baxday dhacadadan.

Xildhibaanka golaha deegaanka Karen Davies oo ka hadlayay madasha duulimaadka The Royal Borough Of Windsor & Maidenhead ayaa sheegtay in ay la soo xiriirtay xubin ka tirsan degmada ayna aad uga argagaxday markii ay maqashay dhacdada "laga naxo".

Waxay sharraxday sida "beertiisa oo dhan, iyo dalladaha beerta, iyo isaga oo dhan loogu daboolay" saxaro.

Haddaba sidee ayay taasi ku dhacday, oo ma dhammaanteen baa u baahannahay inaan eegno cirka?

Ninku wuxuu ku nool yahay Windsor, oo ah magaalo caan ku ah qalcadda ay leedahay Boqoraddu, balse sidoo kale dhinaca ku hayso gegida diyaaradaha ee Heathrow, oo ah tan ugu weyn shanta garoon ee u adeega London.

Ms Davies ayaa tiri, "Waan ogahay in dhacdooyin dhowr ah ay dhacaan sanad walba kuwaas oo la xiriira wasakhda ka soo baxda diyaaradaha."

"Waxa uu xilligaasi ku sugnaa beertiisa, sidaa darteed runtii waa argagax iyo waayo -aragnimo aad u xun. Waxaan rajeyneynaa inaysan mar dambe ku dhicin mid ka mid ah dadka deggan," ayay raacisay.



Sidee ayay diyaaradda hawada ugu sii deyn kartaa wasaqda musqulaha ?

Musqulaha diyaaraddu waxay saxarada ku kaydiyaan haama gaar ah, kuwaas oo sida caadiga ah la faaruqiyo marka diyaaraddu soo degto.

Hase ahaatee maamulka duulimaadyada caalamiga ah ayaa qiraya in musqulaha ay dilaaci karaan inta ay hawada ku jirto.

Raadiyaha BBC Berkshire ayaa khabiirka duulista hawada Julian Bray kala hadlay sida ay u dhici karto inuu dillaacaan haamaha oo ay wasakhdu uga soo baxdo.

"Diyaaradaha casriga ahi waxay leeyihiin musqul faaruq ah, sidaa darteed aad bay ammaan u yihiin oo si fiicanna ayaa loo daboolay balse dhibaatadu waxay ka timaaddaa habka musqusha iyo kaydinta," ayuu yiri Bray.

"Hase ahaatee marnaba ma jiri karto dabool adag oo boqolkiiba boqol ah maadaama ay tahay in xoogaa la dabciyo maxaa yeelay diyaaradu waxay maraysaa heerar kala duwan oo cadaadis ah."

"Waxa suurogal ah inay halkan ka dhaceen in marka ay diyaaradda ku soo degeyso dhulka, ay tahay inay soo gaarto meel u jirta 1,800 oo mitir dhulka, cadaadiskuna wuu is beddelayaa markaasi marka waxaa dabci kara daboolka haamaha musqusha ee diyaaradda."

 


Post a Comment

0 Comments