door intee la eg ayeey ku leedahay maqnaasha ha qoor qoor Dagaalka Ahlusa ku qaadey Galmudug

 

Galmudug

A C-WARAR

Villasomaliya ayaa looga shakisan yahay abuublka Dagaalka ka socda Galmudug iyadoo la leeyahay in ay si hoose u abaabulayaan Dagaalka iyagoo taageero dhaqaale iyo mid Ciidan la garab taagan Ahlusuna alshabaab

Xooggaga Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa kusii siqaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug maalin kadib markii ay gacanta ku dhigeen laba magaalo oo muhiim ah oo ka kala tirsan maamullada Galmudug iyo HirShabeelle 

Ahlu-Sunna ayaa Jimcihii qabsatay magaalooyinka Guriceel iyo Matabaan ee gobollada Galgaduud iyo Hiiraan iyo sidoo kale tuulooyin dhowr ah oo ka tirsan Galgaduud kadib markii shacabka ay aad usoo dhoweeyeen ciidama qaarna u goosteen ayaga oo iska diiday maamulka Qoor Qoor ee fadhiidka noqday

Su’aashu waxay ku saabsan tahay sababta dagaalku u sii kordhay waqtigan xaadirka ah iyo inay tahay shaqada Farmajo ee ah inaan la qaban doorashada xildhibaanada barlamaanka  ee maamul goboleedyada asiga oo ka bilaabay galmudug una rabo inuu maamulada oo dhan ka sameeyo

amni daro asiga oo adeegsanaya urur diimeedka ahlu suna iyo alshabaab iyo ciidamada dowlada oo asiga ka amar qaataan sida ciidamada turkiga soo tababaray waxaana jirtay in kooxda dagaalka kula jirta ciidamada dowladda ay tahay koox argagixiso ah oo daacad u ah Al-shabaab

ahlu suna ayaa mar hore looga adkaaday galmudug oo ay iskaga baxeen soo laabashadoodana ayna tahay in hoos loo dhigo dadaalada uu wado ra'iisal wasaare rooble oo uu ku doonayo in doorashada uu dadajiyo si dalka uu u yeesho hay'ad dastuuri ah 

 

Farmaajo iyo Qoor qoor ayaa isku dayaya inay dib u soo celiyaan khalqal galinta dalka iyo gobolka si loo joojiyo hanaanka doorashada oo maalmihii ugu dan beeyey uu rooble ku guuleestey hirgalinteeda tii aqalka sare

Post a Comment

0 Comments