Farmaajo ayaa isku dayaya inuu khalkhal iyo rabshado iyo dagaal sokeey kiciyo

 

farmaajo

A C-WARAR

Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi kaariye Qoor-qoor ayaa amar hataan ka soo baxay waxaa Xabsiga loogu taxaabay odayaal maanta baaq nabadeed ka soo saaray weerarka Galmudug ku qaadeyso Magaalada Guriceel .

Odayaashaan oo ka soo kala jeeday 11ka qabiil ee Galmudug wax ka leh ayaa maanta QoorQoor uga digay in uu San weerarin Guriceel iyaga oo ku baaqay in xaaladda Guriceel lagu dhameeyo wadahadal.

Ciidamo katirsan Booliska ayaa hataan odayaashaan xabsiga dhigay waxana Madaxweyne QoorQoor oo ka Carooday hadalka odayaashaan amarkaan uu soo saaray.

Madaxweyne QoorQoor ayaa bilaabay Caburinta dhaqanka Nabada ku baaqaya si uusan u dadaan dhiiga ciidamada isku hor fadhiya Guriceel kuwaas oo kala taabacsan Ahlusunna iyo Galmudug oo gacan ka heleysa ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Xalaada Guriceel ayaa ah mid kacsan muddo ku dhaw hal bil. Odayaashaaan Ku Baaqay Guriceel inaan La Weerarin haddana La xiray Sidee kula Muuqataa?

Dhinacakale Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab saacadihii lasoo dhaafay ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin duleedka magaalada Kismaayo ee  gobolka Jubbada Hoose

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ah, kaas oo ka dhacay deegaanka Baarsanguuni oo ay ku sugan yihiin ciidamada daraawiishta ee Jubbaland.

Ilo deegaanka ah ayaa inoo sheegay inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay is-weydaarsanayeen labada dhinac, wuxuuna dagaalka socday muddo saacado ah

Dhankakale  Dhawaan ayaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa shaaciyay in todobadka soo aaddan la gudagali doono doorashada kuraasta Golaha shacabka ay ku leeyihiin gobollada Waqooyi, [Soomaaliland].

Shacabka dan-yarta ah, ganacsatada heerarkeeda kala duwan iyo siyaasiyiinta, ayaa si weyn uga digaya geeddi-socodka doorashada oo sii daba dheeraada, dalka ayaana hadda ku jira hubanti la’aan siyaasadeed, waxaana taagan qanacsiga iyo nolosha guud ee bulshada.

Todobaadyadii la soo dhaafay, waxaa sare u kacay cabsida laga qabo in ciidamada xoogga dalka dib ugu soo laabtaan Muqdisho, kadib markii ay soo baxeen warar hoose oo sheegaya in Farmaajo qaar ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan sidii uu gacantiisa ugu celin lahaa hoggaanka amniga iyo maamulka doorashada.

Formaajo, wuxuu si ula kac ah u abuuray qalalaaso siyaasadeed, si saaxiibbada caalamka iyo dhammaan daneeyayaasha kale ugu mashquulaan xasaradahaas siyaasadeed, halkii ay diiradda saari lahaayeen hannaanka doorashada.

Khubarada u dhuunduleesha arrimaha siyaasadda Soomaliya, ayaa si weyn uga digaya in  geeddi-socodka doorashadu uusan gaarin 2022 –ka, si looga baaqsado xasillooni darro hor leh iyo xasarado mar kale caasimada ka curta.

 

Post a Comment

0 Comments