Farmaajo iyo Qoorqoor ayaa ka masuul ah dagaalka Malmudug


galmudug


 A C-WARAR

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay halka 40 qof ay ku dhawaacmeen dagaalkii cuslaa ee shaley Guriceel ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna, sida laga soo xigtay ilo wareedyo caafimaad iyo kuwa ciidanba.

Saraakiisha ku dhintay dagaalka waxaa kamid ahaa taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug iyo saraakiil kale oo ka tirsan Ahlu Sunna.

Xaaladda magaalada Guriceel ayaa saaka deggan inkasta oo la maqlayo rasaas goos goos ah, dadka deegaanka ayaa ka cabsi qabaa in xilli kasta uu dagaal ka qarxi karo halkaas.

Dagaalkii xoogganaa ee shaley dhacay wuxuu keenay in dadkii yaraa ee fara ku tiriska ahaa ee magaalada ku haray inay isaga qaxaan halkaas iyadoona saaka ay magaalada cidlo tahay.

 Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo war ka soo saaray geerida Taliyihii ciidanka Danab ee Galmudug Cabdiladiif Axmed Feyfle ayaa ku eedeeyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage in uu mas'uul kayahay dhimashadiisa ayaa sheegay  

in Taliye Odowaa uu amar dul dhigay Taliye Fayfle ah in uu kala doorto in ciidamada laga saaro ama uu dagaalka galo, waa ayaan darro weyn dagaalka hadda socda oo lagu laynayo saraakiishii waxgalka ahayd,” ayuu yiri Fiqi.

Fiqi ayaa kaloo sheegay in dagaalka galmudug uu yahay  mid ay Farmaajo iyo qoorqooq u dagaalamaya danahooda gaarka ah kadib markii ay diideen dhammaan dhexdhexaadintii lagu dhameyn lahaa khilaafka taasi oo ah in ay dib ugu dhigaan doorashooyinka

Qasaare xoog leh ayaa In ka badan 20 qof oo u badan saraakiil iyo ciidamo ayaa ku dhintay dagaalka shaley ee rogaal celinta ahaa oo ay qaadeen, iyadoo ay ku dhaawacmeen 45 kale, sida ay sheegeen saraakiil iyo goobjoogayaal ku sugan magaalda Guriceel. 

BAAQ NABADEED

uu soo saarey madaxweenihii hurey ee dalk sheikh maxamuud xasan ayaa uga Hadley Xaaladda Galmudug

Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ehelada iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii ku geeriyooday dagaalka Guraceel, dhaawacyadana waxaan u rajeynayaa bogsasho degdeg ah.

Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.

Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada, Haweenka dhallinyarada iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada waa in ay qaataan kaalintooda ku aaddan deminta colaadda. Lama aqbali karo in dhiigga dhallinyaro Soomaaliyeed uu daadanayo, bulshada inteeda kalena daawato.

Kala aragti duwanaanshaha siyaasadda waa in lagu xalliyaa miiska wadahadalka, iyadoo la dhowrayo jiritaanka, sharciyadda iyo midnimada dowlad goboleedka Galamudug.

 

 

 

Post a Comment

0 Comments