Farmajo iyo fahad oo ku hawlan sii hurinta dagaalka ka socda galmudug

 

galmudug


A C -WARAR

Madaxda Ahlu-Sunna ayaa magaalada Guriceel ku diyaarisaday ciidamo u dhaxeeyo 300 illaa 400 oo askari oo u badan wadaado daacad u ah Sheekh Shaakir iyo Macalin Maxamuud, waxaana laga cabsi qabaa inuu magaalada ka dhaco dagaal khasaaro xoog leh geysta.

Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna.

waxaa jiro dhowr siyaasi oo kasoo jeedo Galmudug oo ku baaqay in xiisadda taagan lagu xaliyo wada-hadal balse Galmudug ayaa u aragtay siyaasiyiintaas inay yihiin kuwii ka shaqeeyey in Ahlu-Sunna ay dib usoo rogaal celiso ugaaska Beesha Cayr oo markii hore ku baaqay inuu kala dhex galo maamulka Galmudug iyo Ahlu-Sunna ayaa dib uga laabtay mowqifkiisa taasoo loo arkay in Galmudug ay qaadatay go’aan ah inaysan wada-hadal la gelin kooxda Ahlu Sunna

Ciidamada ahlu Sunna ayaa gacanta ku haya dhowr magaalo oo ka tirsan galmudug halka qoorqoor uusan weli waxba qaban uu daawanayo amni darada ka jirta maamulkiisa asiga oo hoos jooga weli kelitaliska farmajo waxaana loogu hanjabay in gacantooda ka baxayso Galmudug

sidaas darteedna aysan doorasho qaban doonin qoorqoor wuxuu iska diidan yahay wadahadal lala yeesho xoogagga kooxda ahlu suna inta uusan ka fikirin in uu dagaal ku qaado iyadoo villa somaliya u soo dirtay ciidamada gorgor si ay garab u siiyaan ciidamadaas ayaa qaarkood ku biiray ahlu suna

farmajo wuxuu galmudug la rabaa amni daro si maamulkaas gacanta oogu baxdo rabshadaha iyo luminta gacan ku haynta dawladda ayaa gobolka ka saari doonta geedi socodka doorashada

Fiditaanka rabshadaha iyo luminta Qoorqoor ee gacan ku haynta Galmudug waxay ka dhigaysa Galmudug mid aysan doorasho ka qabsoomi doonin,

Farmaajona wuxu abuurayaa rabshado uu ku khalkhal gelinayo doorashada isagoo u maraya in QoorQoor diido inuu wax wada-hadal ah la galo koox Ahlu sunna oo deegano galmudug ah haysta

Hadaba si doorashadu si nebed gelyo ah inagu dhamaato waa in Rooble arinkaas xaliyo waayo somalia ma qaadi karto wakhti kale uu keli taliyuhu sii maamulo


Post a Comment

0 Comments