Kelimadda wanaagsan waa Sadaqo". Waa Xadiis shariif ah.

 

Subax wanaagsan


A C-WARARA

Ma ogtahay hadalka adag ee qallafsan, xataa haddii uusan caay, habaar, dad hoos u dhidid, dad been ka sheegid iyo waxaas dhanba ahayn, balse hadal caadi ah oo si adag ama si xun oo qallafsan loo dhahay uu yahay uusan wax fiican ahayn.

Hadalka qallafsan Rag, Dumar iyo Caruurba uma roona.

Nin, Xaas, Waalid, Walaalo, Asxaab, Qaraabo iyo dadka aadan aqooninba inaad hadal qallafsan kula hadashid marnaba ma ahan, waayo hadalkaasi aad buu dadka wax u gaarsiin karaa.

Hadalka qallafsan waxaa kamid ah:

- Qofka aad la hadleysid inaad ku qeylisid.

- Erayba erayga uu ka adag yahay inaad isticmaashid.

Dadkuna way kala duwan yihiin, erayada ay qallafsanaanta u arki karaana way kala duwan yihiin, qof baa erayga "Waryaa kaalay" caadi u arki kara, qofbaa xishmad darro weyn u arki kara.

Marka si walbay ahaato isku day qofka aad la hadleysid mowduuc walba aad kala hadleysidba inaad hadal kan ugu degan, uguna wanaagsan kula hadashid, waayo taas ayaa caafimaad ku jiraa, qofkana uu si fiican war kaaga maqli karaa ama kaaga qaadan karaa.

Ogoow Bini Aadamka marka lala hadlayo dhagahooda keliya la lama hadlo ee maskaxdooda iyo dareenkooda ayaa lala hadlaa, xataa qofka haddii aad Diin u sheegeysid si degan oo qofka aad damiirkiisa kula hadleysid ugu sheeg.

Caruurta yaryar ee la dhalayne ayagoo yaryar in hadal degan oo wanaagsan lagu barbaariyo ayaa fiican, si marka ay waynaadaan aysan u noqon kuwo hadal qallafsan.

Dadka is qabana si uu xiriirkooda u wanaagsanaado, waa inay koow hadalka wanaagsan ee jilicsan isugu roonaadaan.

Hadalka wanaagsanna waxaa ugu horeeyo Salaanta degan iyo Mahad celinta.

Maxaad ku dari lahayd intaas?


Post a Comment

0 Comments