Nimco Happy oo noqotay fanaanada loogu hadal hayo aduunka

 

nimco



A C-WARARA

Waxaa todobaadyadii la soo dhaafay qabsaday Baraha Bulshada hees ay ku luuqayso fannaanadda Nimco Happy, heestaas oo magaceedu yahay "Isii Nafta” . taas oo dhalisay hadal hayn badan gaar ahaan barta TIKTOK kadib markii ay soo jiidatay dad badan oo ajaabib oo isticmaala bartaas.

Heestan ayaa waxa ay xitaa soo jiidatay dareenka warbaahinta adduunka qaarkeed kadib markii ay muuqaalada maaweelada u adeegsadeen dad Baraha Bulshada caan ka ah.

Muuqaalada ugu badan ee lagu baahiyay baraha bulshada ayaa waxa ka falcelinayay dad badan oo aan ahayn Soomaalida una badan ajaanib caan ah.

Fanaaniin iyo majaajislistayaal caan ah oo udhashay dalka Mareykanka ayaa ka mid ahaa dadkii iska duubayay muuqaalka heesta Isii Nafta ee Nimco Happy

Fanaanada Nimco Happy ayaa taageerayaasheeda ugu mahadcelisay muuqaal ay baraheeda bulshada ku baahisay, waana muuqaalkii ugu horreeyay ee ay soo dhigto tan markii ay heesteeda noqotay mida loogu hadal haynta badanyahay.

Fanaanada ayaa sidoo kale la sheegay inay qandaraas la gashay shirkad qaabilsan suuq gaynta heesaha ee lagu magacaabo Universal Music iyada oo haatan heesteeda laga dhageysan karo alaadaha Spotify, Itunes iyo Apple Music.

Heestaan oo erayadeeda ay ku jiraan luuqada kala duwan ayaa xiiso gaar ah u yeelatay dhagaystayaasha caalamka oo aad soo jiidatay.

Heestaan ayaa la sheegay in aad looga dhagaysanayay maqaayadaha lagu caweeyo ee magaalooyinka London iyo New York maalmihii la soo dhaafay

 fanka

Post a Comment

0 Comments