Ninka TikTok ugu caansan ee aan hal eray dhihin

 

TikTok

A C-WARAR

Markii sannadkii la soo dhaafay Talyaaniga lagu soo rogay xayiraaddii ugu horreysay ee lagu xakameynayay fayraska corona, Khaby Lame waxa uu waayay shaqo uu ka heystay warshad ku taalla meel u dhow magaalada waqooyiga ee dalkaas ee Turin.

Wuxuu iska joogay guriga waalidiintiisa ee Chivasso, halkaas oo ay kula noolaayeen saddex walaalo ah, shaqo kale ayuuna rajeynayay.

Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo dajistay app-ka TikTok, waxa uuna billaabay inuu muuqaallo isaga soo duubo qolkiisa jiifka. Muuqaallada uu soo dhigayay wuxuu ka soo galinayay cinwaan uu u sameeyay magaciisa Khaby Lame.

Si tartiib tartiib ah ayayna ugu dhalatay xirfad cusub oo cajiib ah.

Markii hore, sida dad badanba ay ku sameeyaan TikTok, wuxuu soo galin jiray muuqaalo uu iska soo duubay isagoo qoob ka ciyaaraya, ciyaaro daawanaya ama sameynaya waxyaabo shactiro ah.

Kaddib, horaantii sannadkan, waxa uu billaabay inuu majaajilo ka dhigo xeelado la xiriira nolosha, uuna muuqaallo ka soo diyaariyo isagoo ka fal celinaya ficillo ay dad kale sameeyeen. Hal erayna ma soo raaciyo muuqaalladiisa falcelinta ah.

Hadda Lame waa ninka ugu taageerada badan uguna caansan TikTok, wuxuuna heystaa 114 milyan oo ku taxan cinwaankiisa. Halka qof ee ka taageerada badan marka laga hadlayo TikTok waa Charli D'Amelio, oo ah gabar dhowr iyo toban sano jir ah oo ka soo jeedda California, taas oo soo bandhigta muuqaallo ciyaar ah, inta badanna ay la soo sameyso walaasheed ka weyn.

Lame, oo 21 jir ahna, wuxuu muuqaalladiisa oo dhan caalamka gaarsiiyaa isagoo aamusan. TikTok dhexdiisa, aamusnaantiisa waa mid ka dhan hadal.

"Fikrad ayaan la imid sababtoo ah waxaan arki jiray muuqaallo wareegaya, waxaana jecleystay in aan ku soo daro aragti wax fududeyn ah," ayuu ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka CNN.

Muuqaaladiisa waa hal nooc

Lame wuxuu ka soo jeedaa dalka Senegal, wuxuu leeyahay gacmo dhaadheer iyo waji dhuuban.

Inta badan muuqaalladiisa gaagaaban, waxa uu gacmaha ku tilmaamaa muuqaallo ay dad kale soo sameeyeen iyagoo fulinaya xeelado dhanka nolosha ah oo adag.

Wuxuu ugu jawaabaa muuqaallo si sahlan oo macquul gal ah loogu xallinayo isla arrimihii la adkeynayay.

 

Post a Comment

0 Comments