Koonfur Afrika ayaa dib u noqotay waddanka ugu dhaqaalaha wayn Afrika sida
ay sheegtay xogta IMF, ka dib markii Nigeria ay ahayd laba sano waddanka ugu
dhaqaalaha wayn.
Xisaabin lagu sameeyay qiimaha lacagta ayaa Koonfur Afrika ka dhigay meesha
ugu saraysa, sababtoo ah lacagta Rad-ka ayaa adkaatay markii loo badalayo
dollar.
Lacagta Nigeria ayaa hoos u dhacday tan iyo markii hoos loo dhigay
qiimaheeda markii loo bedelayo Dollarka.
Markii la is barbardhigo tirada, ma jiraan farqi wayn oo u dhaxeeya.
Dhaqaalaha Koonfur Afrika ayaa qiimahiisu yahay $301 bilyan halka Nigeria uu ka
yahay $296 bilyan.
Dhaqaalaha Nigeria ayaa ku dhawaad ku wada tiirsan lacagta ay ka hesho
shidaalka, qiimaha shidaalka markii uu hoos u dhacay waxaa yaraaday lacagtii
soo galaysay waddanka. Laakiin dhaqaalaha Koonfur Afrika ayaa leh noocyo kala
duwan.
0 Comments