wasiirkii hore ee amniga galmudug Axmed Fiqi ayaa ku eedeeyey qoorqoor in uu yahay mid fuliyah danaha farmaajo

 

galmudug

A C-WARAR

Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo  shir jaraa’id qabtay ayaa faah faahiyey sababta keentay inuu khamiistii seddex cisho ka hor shaqada iskaga casilay.

Fiqi ayaa ku dheeraaday wadadii loo soo maray amniga galmudug,isbaarooyinkii yaallay sidii loo qaadi lahaa iyo dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Ex Wasiir Fiqi ayaa si weyn ugu dhaliilay Madaxweyne Qoor qoor inuu ilaaway shaqadii galmudug loo igmaday taas badelkeedana uu sanad iyo bar xilka isagoo haya kadaba wareegayey Madaxtooyada Soomaaliya.

“Sida aad aragteen qoor qoor waxa uu mudadaasi ku jiray villa soomaaliya sida inuu yahay agaasime halkaasi ka shaqeeya,ayuu yiri Axmed Fiqi

Waxa uu soo hadal qaaday Axmed Fiqi sababta Ahlusuna xoogga loo saarayo oo Al Shabaab la iskugu geyneyn deegaanada ay joogaan qaabkii loo xoreyn lahaa,isagoo dhaliilay hadafka qoor qoor ee dagaalka Ahlusuna ugu fara baxsanayo.

Wasiir Fiqi ayaa bogaadiyey Ahlusuna oo uu sheegay tan iyo markii ay Guriceel qabsadeen ay Al shabaab dib uga laabteen deegaano ay joogeen.

Wuxuu sheegay inuu garan waayay sababta Loola dagaalami waayay Alshabaab oo uu sheegay in ay Galmudug ka haysato dhul badan dagaaladii dhawaana ku qabsatay 17 gaadiid dagaal oo laga lahaa madaxtooyada Galmudug QoorQoor oo dagaal la galo kooxda ahlu suna iyadoo aan isku dayin in lala galo waxwadahadal ah

waxay caddayn u tahay rabitaanka QoorQoor ee dib u dhaca doorashooyinka si uu ugu adeego danaha Farmaajo wuxuu hirgeliyaa qorshaha Farmaajo ee dib u dhaca doorashada Galmudug iyo ka dib doorashooyinka Golaha Wakiilada ee Federaalka si uusan u gaarin doorashada madaxweynaha

Axmed Macalin Fiqi waxa uu ka digay in doorashada iyo dib  udhac kale lala rabo oo Farmaajo taasi ka dambeeyo taas oo bulshada reer galmudug doonayo inuu dagaal ka dhex abuuro.

Maamulka Galmudug ayaa ku gacan seeray inuu wax wada-hadal ah la galo kooxda Ahlu-Sunna Waljamaaca oo dhowaan dib u qabsatay deegaano ka tirsan maamulka Galmudug Magaalada Guriceel ayaa waxaa ka bilowday barakac xooggan, waxaana magaalada ku haray xoogga Ahlu Sunna oo aad u hubeysan iyo dad shacab ah oo daacad u ah madaxda Ahlu-Sunna

madaxweynaha galmudug haddii uu dagaal la galo kooxda ahlu suna iyadoo aan isku dayin in ay wax wadahadal ah aan lala gelin waxay caddayn u tahay rabitaanka QoorQoor ee dib u dhaca doorashooyinka si uu ugu adeego danaha Farmaajo

 

Post a Comment

0 Comments