Amniga magaalada Muqdisho oo faraha ka baxay

 

farmaajo



A C-WAWAR        

Xaaladda amni ee magaalada Muqdisho ayaa u muuqata mid faraha ka baxaday tan iyo markii ay dhalatay mudo xileedkii kaligiitaliye farmaajo waxaana joogto noqday dilka iyo qaraxyada ka dhacaya Caasimadda.

Farmaajo intuu xilka hayay waxa kusii badanayay somaliya dilal siyaasadaysan oo aan la garanayn cida gaysatay iyo isticmaalka maan-dooriyaha, taas ayaana la rumaysan yahay inay tahay qorshe siyaasadeed oo farmaajo adeegsanayo.

Xiriirka uu madaxwaynaha mudo xiliyeedkiisu dhamaaday la leeyahay cadawga umada somaliyeed ee Al-Shabaab ayaa colaad iyo rabshado joogto ah ku baahiyay qaybo badan oo kamida Somaliya.

Waxaanu u adeegsanayaa awood iyo inuu  colaad ka dhex curiyo bulshada somaliyeed, si uu xaalad amni darro ah uga abuuro dalka ka hor doorashada, si ay u carladays maan doorashooyinka dalka ka socdaa.

Dhawaan ayay ahayd markii Ex-Koontarool Afgooye, lagu dilay Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab Maxamed Cabdi Axmed Xayle, oo hoyaad u ahaa xaafaddiisa, halka uu qarax miino uu ka badbaaday xoghayaha degmada Deyniile, Mahad Maxamed Shiraawe, isla todobaadkaas.

Waxaa muuqata habacsanaan amni oo aad u sarreysa iyo dayac aan u muuqan mid la buuxi doono, waxaana bishaan magaalada Muqdisho laga tabay, Ciidankii xasilinta ee fulin jiray

Taliyaha Booliska iyo Taliyaha Nabad Sugiddii,horwy  waa labada shaqsi ee dayaacadda sababay, waxayna xooggooda isugu geeyeen kaliya dagaalka ay kula jiraa Mucaaradka, waxayna si guud u dacayeen amiga, gaaar ahaan midka caasimadda oo ah halka kaliya oo ay ka howl galaaan.

 

Post a Comment

0 Comments