Farmaajo oo bilaabey in uu xaraasho shidaalka Soomaaliya

 

oil


A C-WARAR

Dalka Imaaraadka Carabta gaar ahaan magaalada Dubai waxaa ka dhacaya Shir looga hadlayo Arimaha Shidaalka Afrika, wuxuu shirkaasi socon doonaa 8-11 Bishan Novembar 2021 , Waxaana ka Qayb gelaya dalal badan iyadoo lagu soo bandhigayo Khayraadka Shidaalka Dabiiciga ah ee Afrika.

Hadaba War goor-dhowayd oo Caawa ah kasoo baxay Maamul Goboleedka Puntland ayay uga soo horjeestay Shirkaasi inay Dawladda Soomaaliya kusoo gasho Heshiisyo la Xidhiidha Shidaalka.

“Puntland waxay ka digaysaa Dawladda Muddo Xileedkeedu dhamaaday inay gasho Xiligan Heshiisyo aan Waafaqsanayn Sharciga, oo lagu Xaraashayo Khayraadka wadanka, kaas oo ay ka dhalan karto Xasilooni darro”.

Waxay sidoo kale Puntland Shirkadaha uga digtay inay Heshiis la galaan Xukuumadda Soomaaliya.

Farmaajo ayaa isku dayaya in uu iibiyo kheyraadka shidaalka Soomaaliya doorashada ka hor si uu shaqsi ahaan uga faa’ideysto heshiisyada shidaal baarista ka hor inta uusan xukunka ka tagin.

Wuxuu Cabdul Qaadir Aadan Maxamuud u magacaabay madaxa Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed, si uu u hubiyo helitaanka dhaqaalaha lagu iibinayo shidaalka Soomaaliya.

farmajo waxa uu ogaaday inuu dalka maamuli karin maadaama ay shacabka naceen ayna diidan yihiin inuu markale soo laabto sidaas darteeda wuxuu rabaa inuu jeebkiisa buuxsado ka dibna uu ka tago dalkii oo aan laheyn kheyraadkiisa oo dalal kale gacanta ugu jiraan


Post a Comment

0 Comments