FIFA Oo Shaaciyay Liiska xiddigaha U Tartami Doona Abaalmarinta The Best

ciyaaraha




 A C-WARAR

Xidhiidhka kubada cagta adduunka ee FIFA ayaa shaaciyay Liiska 10-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka ee “The Best”.

Xidhiidhka ayaa isha ku haya in ay abaalmarinta gudoonsiiyaan xiddiga qaab ciyaareedka fiican soo bandhigay sanadkan haatan lagu jiro ee 2021 iyada oo lagu qiimayn doono qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay soo bandhigeen.

Liiska waxa ku jira xiddigihii ugu fiicnaa ee soo bandhigay qaab ciyaareedka fiican sanadka iyada oo ay ku tatrami doonaan abaalmarinta xiddigaha ugu fiican adduunka.

Xiddigaha Karim Benzema, Cristiano Ronaldo, Lionel Messi, Robert Lewandowski, Neymar iyo Mohamed Salah ayaa ka mid ah xiddigaha u tartami doona abaalmarinta sanadkan.

Karim Benzema
Cristiano Ronaldo
Robert Lewandowski
Lionel Messi
Neymar
Erling Haaland
Jorginho
N’Golo Kanté
Kylian Mbappé
Mohamed Salah

Post a Comment

0 Comments