Liverpool ayaa ka wal-walsan xaalada dhaawac ee xiddiga Andy Robertson

 

ciyaarah

A C-WARAR

Kooxda Liverpool ayaa ka wal-walsan xaalada dhaawac ee xiddiga Andy Robertson waxana ay filayaan in uu seego kulanka ay La ciyaari doonaan Arsenal Axada.

Andy Robertson ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa isaga oo dhaawac uga baxay daqiiqadihii ugu dambeeyay ee kulankii uu xulka Scotland guusha ka gaadhay xulka Denmark is reeb-reebka koobka adduunka.

Dhaawac soo gaadhay Andy Robertson ayaa la filayaa in uu yahay mid muruqa ah kaas oo wal-wal ku dhaliyay kooxda Liverpool iyo Tababare Jurgen Klopp ka hor wakhtiga xasaasiga ah ee ay kooxdu galayso.

Wargayska The Times ayaa sheegaya in ay Liverpool haatan filayso in uu Andy Robertson Seego kulanka ay Axada la ciyaari doonaan kooxda Arsenal kulan ka tirsan premier League.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah kooxda Liverpool marka loo eego in uu Andy Robertson muhiim ka yahay kooxda waliba qaab ciyaareed cajiib ah ku jiro tan ilaa bilowgii xilli ciyaareedkan.

 


Post a Comment

0 Comments