maxaa kajiro shirkadda la wareegtay heesta aduunka qabsatey ee Nimco

 

nimco

A C-WARAR

Tan iyo markii ay si lama filaan ah cirka isugu shareertay heesta lagu naaneyso "I Love More Than My Life" ee ay qaadday fannaanadda Nimco Happy, waxaa isasoo tarayay sheekooyinka ku saabsan sida loo xiisaynayo heestaas oo ka kooban dhowr luqadood oo kala ah Soomaali, Carabi Ingiriis iyo Sawaaxili.

Waxaa lasoo tabiyay in Nimco Happy ay xiriirro badan heshay shirkado waaweyn oo caalami ah, oo ay ka mid tahay Polydor Records.

Maxay Tahay Polydor Records?

Shirkadda Polydor oo fahnnaaniinta iyo heesaha diiwaan galisa ayaa la xiriirtay Nimco Happy, sida ay tabiyeen qaar ka mid ah warbaahinta caalamiga ah.

Polydor Records Ltd. waa shirkad laga leeyahay waddamada Jarmalka iyo Ingiriiska oo qayb ka mid shaqadeeda ay tahay howlaha la xiriira muusiga caalamiga ah. Waxay xiriir la leedahay shirkado badan oo qaabilsan diiwaan galinta fannaaniinta iyo fanka caan baxay.

Waxaa shirkaddan magaalada London lagu aasaasay sanadkii 1954-kii, markii horena waxa ay si toos ah u hoos tageysay shirkadda Jarmalka ee Deutsche Grammophon GmbH. Waxaase magacan ay hadda wadato la siiyay goor dambe oo ahayd 1972-kii.

Farriin ay BBC-da u dirtay shirkaddan oo aan dooneynay inaan wax ka waydiinno sida ay heesta Nimco Happy u arkaan wali noogama aysan soo jawaabin.

Lacag malaga sameeyaa heesaha Soomaalida?

Marka ugu horreysaba waxa ay su'aal ka taagneyd, Fannaaniinta Soomaalida wax lacag ah miyey ka helaan heesaha?

Aar Maanta oo ka mid ah fannaaniinta ugu magaca weyn Soomaalida ayaa BBC-da uga warramay qaabka lacagta looga sameeyo heesaha, xilli isbuucyadii lasoo dhaafay si weyn loo hadal hayay hees ay leedahay fannaanadda Nimco Happy oo soo jiidatay dad isugu jira Soomaali iyo ajaanib.

Waxaa su'aalo badan la iska weydiiyaa sida ay fannaaniinta Soomaaliyeed lacagta uga smeeyaan fankooda iyo inay la mid yihiin kuwa kale ee caalamka oo badankood la aaminsan yahay inay magac iyo maalba ka helaan.

Xasan Nuur Sayid, oo aad loogu garan og yahay Aar Maanta ayaa sheegay in isagu shakhsi ahaan uu dhaqaale ka sameeyo heesihiisa, dhinacyo kala duwanna ay kasoo xareeyaan lacag.

"Uma wada hadli karo fannaaniinta Soomaaliyeed, waayo qof walba howlihiisa sida uu u fuliyo ama u sharciyeeyo ayay ku xiran tahay. Aniga shakhsiyan, haa waan ka sameeyaa lacag, heesaheyga dhammaantood, laga billaabo 2009 way diiwaan gaashanaayeen," ayuu yiri Aar Maanta.

Waxa uu BBC-da u sheegay in dhaqaalaha heesaha kasoo xarooda uu ka imaado meelo kala duwan, oo mid walba gaarkeeda looga faa'iido.

"Lacag haddey noqoto, dhowr meelood baa laga sameeyaa. Tusaale, waddamada reer galbeedka oo kale haddii ay heesteyda kasii daayaan raadiyaha ama telefishinka, sida BBC ama VOA waxay bixinayaan wax la dhaho "royalties". Royalty-gu waligiis wuu soo jiray laakiin muusiga hadda waxaa kusoo kordhay wax la dhoho "monitization" oo ah lacag looga heli karo meelaha laga dhageysto muusiga ama toos looga sii daayo oo ay ka mid yihiin Spotify, iTunes iyo Youtube," ayuu yiri.

Balse heesta dhaqaalaha keeneysa waa in ay marka hore tahay mid diiwaan gashan oo sharciga la waafajiyay.

Post a Comment

0 Comments