Maxaa lagu xushay Tartanka quruxda gabadha ugu quruxda badan Soomaaliya

Tartanka quruxda


 A C-WARAR

Bisha December waxaa waddanka Nigeria ka dhici doona tartanka quruxda hablaha Afrika, waxaana la qorsheynayay gabadha Soomaaliya ku matali doonta.

Si taas waddada loogu xaaro waxaa magaalada Muqdisho lagu qabtay tartan loollan qurux ah oo u dhaxeeya gabdhaha Soomaaliyeed ee daneynaya munaasabaddaas, kaasoo ay martigalisay shirkadda Quman Fashion Show.

Saddex gabdhood oo heerka ugu dambeeya ee tartanka isla soo gaaray waxaa laga xushay Sacdiya Maxamed oo ku guuleysatay billadda quruxda Soomaaliya, waddankeedana ku matali doonta tartanka weyn ee dhacaya dabayaaqada sanadkan.

Maxaa lagu xushay gabadha ugu quruxda badan?

Mowduucan oo si weyn loogu hadal hayay baraha bulshada ee Soomaalida waxaa su'aalo la iska weydiinayay qodobada la fiirinayay marka la dooranayay gabadha ugu quruxda badan.

Isla su'aashaas ayay BBC-du waydiisay Muno Maxamed Diirshe oo ka mid ahayd garsooreyaashii tartanka ee go'aaminayay qofka kaalinta koowaad la siinayo.

"Waxaan ku xulannay quruxdeeda, aqoonteeda, akhlaaqdeeda, diinteeda, dad la dhaqankeeda, dabeecaddeeda iyo wajigeeda furan, sida qosolkeeda, daymadeeda iyo naxariisteeda," ayay tiri Muno si guud u koobeysay waxyaabaha laga eegayay gabdhaha tartanka ka qayb galay.

"Waxyaabaha loo xushay maku jirin deegaan, maku jirin qabiil iyo dhammaan waxyaabaha ay dadka sheegaan," ayay sii raacisay hadalkeeda.

Sida ay Muno sheegtay, intaas waxaa sii dheer in gabdhaha tartamayay waxyaabaha laga eegayay ay ka mid yihiin arrimaha aad loo sheego marka laga hadlayo quruxda, sida "dhex yar, dhirir iyo waji soo jiidasho leh".

 

Post a Comment

0 Comments