Memphis Depay Oo Bar-Bareeyay Rikoodhka Goolasha Ee Lionel Messi.

 

ciyaaraha

A C-WARAR

Lionel Messi ayaa dhaliyay 40 gool, wuxuuna diiwaan geliyay 14 caawin sanadkan 2021 kulamada kooxda iyo xulka qarankiisa taas oo la macno ah in uu ku lug lahaa 54 gool sanadkan.

Arinta xiisaha leh ayaa ah kadib 2-dii gool ee uu u dhaliyay xulkiisa Netherland, Memphis Depay Ayaa bar-bareeyay Lionel Messi isaga oo ku lug leh 54 gool sanadkan 2021.

Memphis Depay ayaa dhaliyay 30 gool marka la eego goolashiisa xulka iyo kooxda isaga oo sidoo kale caawiye ka noqday 16 gool.

27 jirkan ayaa qaab ciyaareed cajiib ku soo bandhigay xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu Messi ka tagay Barcelona isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 2 gool.

 

Post a Comment

0 Comments