Muqdisho oo lagu qabtay Kulan looga hadlay doorka haweenka ee waxbarashada

Muqdisho


A C-WARAR

Muqdisho:-Agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada, hiddaha iyo tacliinta Sare ee dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Caabi Xasan ayaa ka qeyb galay kulan looga doodayay ka qeyb galka haweenka ee waxbarashadda sare ee dalka.

Kulankaas waxaa diiradda lagu saaray sidii haweenka Soomaliyeed ay kaalin muuqata ugu qaadan soo kabashada iyo dib u dhiska dalka, gaar ahaan dhanka waxabarashada oo ka mid ah meelaha uu sida aadka ah u saameeyey bur-burkii ku dhacay dalka.

Barnaamijkaan ayaa waxaa iska kaashanaya Wasaaradda Waxbarashadda iyo Bankiga Aduunka, waxaana ka soo qeyb galay haween isugu jiray aqoonyahano, xirfadleyaal iyo hal abuurayaal, waxaana la isku weydaarsaday talooyin ku aadan sidii dumarka Soomaaliyeed loogu dhisi lahaa goobo waxbarasho oo dumarka u gaar ah, si ay u yaraato waxbarasho la’aanta haweenka

Post a Comment

0 Comments