Reds Liverpool oo Xasuuqday Arsenal 4-0 Sharaxaada Ciyaarta

 

ciyaaraha

A C-WARAR

Kooxda Liverpool ayaa guul ka gaartay Kooxda Arsenal kulan ka tirsan Horyaalka Premier league oo ku soo dhamaaday 4-0.

Goolal ay kala dhaliyeen Sadio Mane, Diogo Jota, Mo Salah iyo Takumi Minamino ayaa Reds ka Caawiyay Guusha Caawa ku gaartay Garoonkeeda xili Gunners ku adkaatay inay Shabaqa soo taabato.

Daqiiqaddii 43aad ee dhamaadka qaybta hore ayay Liverpool dhalisay goolkeeda koowaad kaddib fursado badan oo ay iska khasaarisay, waxaana kubbad uu dhinaca midig kasoo qaaday Trent Alexander-Arnold madax  awood badan ku qabtay Sadio Mane oo dhaafiyey goolhaye Aaron Ramsdale oo dhawr jeer oo hore ka qabtay kubbado halis ahaa.

Liverpool ayaa dabbaal-deg weyn ku samaysay Anfield markii ay goolka dhaliyeen, hase yeeshee waxa qaybta hore ciyaarta qasay Jurgen Klopp iyo Mikel Arteta oo isku dhacay, isla markaana lagu kala qabtay laynka garoonka xilli ay u dhowaadeen inay gacanta iskula tagaan.

Difaaca Arsenal ayaa kubbad ay isku dhiibayeen waxa ka boobay weeraryahanka reer Portugal ee Diogo Jota oo markiiba la galay xerada ganaaxa isaga oo usii gooyey laba ciyaartoy iyo goolhaye Aaron Ramsdale, kaddibna si fufud goolka oo madhan lugta bidix ugu dhamaystiray daqiiqadii 52aad.

Daqiiqadii 73aad Mohamed Salah ayaa ciyaarta ka dhigay 3-0, kaddib markii goolhaye Alisson uu soo tuuray kubbad gacanta u gashay Sadio Mane oo isaguna goolka usoo hor-dhigay Mohamed Salah xilli difaaca Arsenal ay ku mashquuleen laacibka reer Senegal oo ay dhinaciisa u wada dhaqaaqeen.

Minamino ayaa hoggaanka usii dheereeyey kooxdiisa Liverpool daqiiqad kaliya markii uu ku jiray garoonka, waxaana laacibkan oo soo galay daqiiqaddii 76aad uu shabaqa soo taabtay daqiiqaddii 77aad guud ahaan Kulanka ayaa ku soo dhamaaday 4-0.

Natiijo ahaan Liverpool ayaa ku soo laabatay Booska Labaad ee Horyaalka iyadoo leh 25 dhibcood halka Arsenal ay ku jirto Booska 5aad ee kala Sareynta.

 

Post a Comment

0 Comments