RW Roobley waxa uu lumiyay kalsoonidii mucaaradka iyo shacbka soomaaliyeed

farmaajo


 A C-WARAR

Madaxweyne Farmajo wuxuu muddo dheer ahaa siyaasi ku dooda inuu ka maran yahay musuq-maasuq wuxuuna rabay inuu cinwaanka ololihiisa ee sanadkaan noqdo siyaasi aamin ah laakiin qoraalkii uu soo saaray Hanti-dhowraha Qaranka ayaa cagta mariyey hal ku dhigii doorashada ee Madaxweyne Farmajo hanti dhowrka wuxuu soo faagay waxyaabo badan oo dhacay 18-kii bilood ee lasoo dhaafay

kuwaas oo dadka Somaliyeed lama filaan ku noqday Waxyaabaha uu Hanti- dhowrka soo bandhigay waxaa kamid ah Kharash bixin dhan 9 Milyan oo Dollar oo aan heysan caddeymo ku filan taas oo ka dhigan inaan la aqoon sida loo adeegsaday lacagtaas heshiisyo laga sameeyey

lacag dhan 31 Milyan oo Dollar oo aan lasoo diiwaan gelin ayaa ku jirta fadeexadda uu Hanti-dhowraha soo bandhigay Warbixinta uu saaray Hanti-Dhowraha waa warbixin culus, faahfaahsan oo si gaar ah u dul istaageysa musuqa ka dhex socda Hey’adaha Dowladda Federaalka ah

Ra’iisul Wasaare Roobley ayaa lumiyay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo mucaaradka, waxaana doorashada Golaha Shacabka ay noqotay mid cadaalad darro ah kadib markii Ra’iisul Wasaare Roobley uu la saftay Farmaajo.

Raysalwasaare Rooble waxaa lagu aaminnay, isaguna ballan qaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo.

Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin. Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa.

Roobley waxa uu hortaagan yahay mucaaradka, waxaana ficilkiisa uu yahay mid u caawinaya Farmaajo oo uu luminayo kalsoonida shacabkiisa. Ra’iisul Wasaare Roobley ayaa u hogaansamay codsigii Farmaajo ee ahaa in uu garab istaago, Roobley waxa uu bilaabay in uu dumiyo oo uu baabi’iyo dadaalladii Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay ku doonayeen in ay ku gaaraan doorasho xalaal ah.

Post a Comment

0 Comments