Sacuudiga oo shaaciyey in uu Muqdisho dib ugu furanaya Safaaraddiisa

 

farmaajo

 A C-WARAR

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay inuu dib u furayo safaaradii uu ku lahaa Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay rajeynayaan xoojinta iskaashiga Sacuudiga iyo Soomaaliya si loo gaaro horumar iyo barwaaqo labada dal iyo dadkooda.

Booqashadii uu dhawaan Ra’iisul Wasaare Roobley ku tagay dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa ah sababtii ka dambeysay inuu soo laabto xiriirkii diblomaasiyadeed ee uu la lahaa dalalka Carabta

Waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka Sacuudiga uu dib ugu furayo safaaradiisa Soomaaliya kadib siyaasadii qaldaneed ee kaligii taliye farmaajo ay sababtey in wadamada Carabta eey jaraan somaliya

Siyaasada kaligii taliskii Farmaajo ayaa sabab u noqday in ay xiriirka u jaraan wadamada walaalaha ah ee Carabta oo uu ugu horeeyo Sacuudiga oo garab siin jiray shacabka Soomaaliyeed

Farmaajo waa cadow shacabka Soomaaliyeed Dowladda Soomaaliya waa in ay ka shaqeyso sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Sacuudiga gaar ahaan iyo guud ahaan dalalka Carabta

Soomaalida waa in ay kasaaraan Farmaajo masraxa siyaasadda dalka hadii uu ku sii sugnaado farmaajo somaliya waxa ay noqon doontaa dal cadheesan oo caalmkoo dhan ay ka jeestaan

Post a Comment

0 Comments