Turkiga oo ku wareejiyay gaadiid dagaal ciidamada hogaamiye kooxeed farmaajo

 

farmaajo



A C-WARAR

Sheekh Maxamed Kulmiye oo kamid ah culimada Soomaaliyeed ee caanka ka ah dalka oo cabasho ka gudbiyey Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage kadib markii sida uu sheegay saraakiil ka amar qaadata Odawaa ay si khasab ah qoysas uga barakiciyeen dhul ay Muqdisho ka deganaayeen oo ku fadhiya

ku dhawaad 30 boos Sidoo kale Sheekha oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Xuquuq ayaan leenahay, nidaamka dowladda kama soo hor jeedno oo wax kasta oo nidaam ah waan ogonahay, waxaa awood naloogu sheeganaa tuutaha ciidanka

 ra’iisul wasaaraha wasiirka gaashaanshigga iyo madaxweyne Farmajo arrintaan way la ogyihiin weliba Cumar Filish iyo Korneyl Shuute ayaa si dhow ula socda arrintaana waa in laga daayaa muwaadiniinta xoogga loo sheeganaayo iyo maleeshiyaadkan loo adeegsanayo

Gaadiidkan dagaal ee Turkeygu ku deeqo malin walba, ma waxa loo keena in shacabka lagu dhibaateeyo sida xiligi keli taliye Farmajo mudo kordhinta khasabka ah rabay ilayn lagulama dagaalamo argagixiso?

Turkiga ayaa dowladda kalitaliye farmaajo kaa caawiya dhinacyo dhowr ah sidii uu u ugu sii fadhin lahaay kursiga  oo ay ugu horreyso dhismaa ciidamada, jadiyo jeer loo adeegsado caburinta shacabka iyo mucaardka waxaana saldhig weyn uu ku lee yahay magaalada Muqdisho.

Waxaa cad in Turkigu aanu taageersanayn shacabka, ee uu u hiiliyo kaligii-taliye si uu ugu gacansiiyo sidii ay u guran lahaayeen qeyraadka dalka turkeya waligeed umada soomaaliyeed wax wanaag ah meeysan ugalin mar walibo waxa ay fiirsataa danaheeda gaarka ah

 

Post a Comment

0 Comments