waxaa si rasmi ah u soo baxay: 11ka Kooxood Usoo Gudbay Wareegga 16ka tartanka Champions

 

ciyaaraha

 A C-WARAR

Kulamadii shanaad ee heerka Group-yada tartanka Champions League ayaa soo dhamaaday, waxaana boosaskooda diyaarsaday inta badan kooxaha hase yeeshee waxa la sugayaa in kaliya shan kooxood ay kusoo biiraan.

Kooxaha Paris Saint-Germain iyo Manchester City ayaa kasoo baxay Group A inkasta oo ay kooxda Ingiriisku ku badisay 2-1, waxaana kaalinta koowaad kusoo baxday Man City oo afar dhibcood ka horreysa PSG.

Real Madrid iyo Inter Milan ayaa iyaguna kasoo gudbay Group C, halka  Liverpool ay tahay kooxda kaliya ee kasoo baxday Group C, lana sugayo kooxda soo labayn doona oo ay illaa hadda ku dagaallamayaan FC Porto, Atletico Madrid iyo AC Milan.

11ka kooxood ee illaa hadda soo gudbay:

Group A: Manchester City & Paris Saint-Germain

Group B: Liverpool

Group C: Ajax & Sporting CP

Group D: Real Madrid & Inter Milan

Group E: Bayern Munich

Group F: Manchester United

Group G: —

Group H: Chelsea & Juventus

Kooxaha la sugayo inay soo kala baxaan

1. Porto, Atletico & Milan

2. Barcelona & Benfica

3. Villarreal & Atalanta

4. Afarta kooxood ee ku wada jira Group G, wali midna ma aanay soo bixin, waxaanay kala yihiin: Lille, RB Salzburg, Sevilla & Wolfsburg.

Waddamada ay kooxahoodu soo gudbeen

England: Chelsea, Liverpool, Manchester United iyo Manchester City

Italy: Inter Milan & Juventus

France: Paris Saint-Germain

Germany: Bayern Munich

Netherlands: Ajax Amsterdam

Portugal: Sporting CP

Spain: Real Madrid

Waqtiga la samaynayo isku-aadka wareegga 16ka

Xaflad lagu qaban doono magaalada Nyon ee waddanka Switzerland maalinta Isniinta ee December 13, ayaa lagaga dhawaaqi doonaa isku-aadka wareegga 16ka tartanka Champions League.

 

Post a Comment

0 Comments