lOlole agu beegsanayo Ganacsatada Soomaalida oo ka billowday magaalada Ankara ee Dalka Turkiga

 

Olole lagu beegsanayo soomaalida turkeya

Dhawrkii sano ee lasoo dhaafay, fagaaraha Kizilay ee ku yaalla bartamaha magaalada Ankara ee dalka Turkiga waxaa camiray ganacsiyada ay ka sameynayaan dadka Soomaalida ah ee sida xad dhaafka ah u tegaya dalka Turkiga, iyagoo kala kulmay soo dhaweyn iyo qadarin heerkeedu sareeyo.

Bulshada Soomaaliyeed ee kusii badanaysa caasimadda Turkiga ayaa halkaas ka hir gelisay maqaayado, goobo lagu shaaho, bakhaarro dharka lagu iibiyo iyo ganacsiyo la-talin ah oo ay ku ganacsadaan labada dhinac, iyagoo si tartiib tartiib ah goobta uga dhigay xaafad firfircoon oo leh ganacsi xoog leh.

maalmihii la soo dhaafey ayaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Turkiga ayaa ka codsaday Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud in uu soo farageliyo si loo joojiyo beegsiga ganacsi ey ku hayaan maamulaka dalkaas

Waxa ay sameynayaan madaxda Turkiga ayaa ah in ay ka aargoosanayaan shacabka Soomaaliyeed kadib markii kaligii taliye farmaajo looga adkaadey doorashooyinka dhawaan ka dhacay dalka oo erdugaan saaxiip dhaw la ahaay

Helitaanka degenaanshiyaha ayaa ah caqabada ay wadaagaan dhammaan Soomaalida ku dhaqan dalka Turkiga, hadday yihiin ganacsato, arday iyo cid kale, iyadoo markii hore ay ahayd mid fudud oo deggenaansho loo heli jiray, balse hadda ay adag tahay in la helo, iyadoo la xusay in Soomaalida iyo qaarkood ay maalgashi ku leeyihiin Turkiga. Laga mamnuucay in ay helaan degenaansho.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo la filayo inuu maanta booqdo dalka Turkiga, waa inuu joojiyo beegsiga uu ku hayo dhaq dhaqaaqyada ganacsi ee Soomaalida, isla markaana uu joojiyo dhibaatooyinka lagu hayo.

Sidhooka Safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa ku soo rogtay shuruudo aan macquul aheyn, waxayna sare u qaadaysaa qiimaha fiisaha safarka oo tirooyin aan macquul ahayn ay isku dayeyso inay Soomaalida ka hor istaagto fiisaha.

Madaxweynaha HSM waxaan ka codsaneynaa in maslaxadda Soomaalida Turkiga uu mudnaanta koowaad siiyo inta uu ku guda jiro booqashadiisa, kadib markii la takooray Soomaalida ay u geysteen Booliska Turkiga oo xabsiga u taxaabey maalmo kadibna la sii daayo. iyada oo aan la sheegin sababta. sababaha.

 



 

Post a Comment

0 Comments