Haweeyneyda loo saadaalinayo xilka Raysul wasaaraha Talyaaniga iyo qorshaheeda tahriibeyaasha.

Haweeyneyda loo saadaalinayo xilka Raysul wasaaraha Talyaaniga iyo qorshaheeda tahriibeyaasha

Giorgia Meloni oo lagu wado in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee raysul wasaare ka noqoto dalka Talyaniga ayaa u ololeysay in maraakiibta dagaalka ee Talyaanigu ay tahay in ay go’doomiyaan dalka Liibiya, si tahriibeyaasha looga horjoogsado in ay ka soo tallaabaan badda Mediterranean-ka.

Natiijooyinka la saadaaliyay ee doorashada guud ee dalkaas ka dhacday ayaa muujinaya in guushu ay raaci doonto isbahaysiga uu hoggaaminayo xisbiga midigta fog ee Meloni ee la magac baxay Walaalaha Talyaaniga.

Haweeneydan ayaa ku celcelisay digniino ay ku wajahan Muslimiinta soo-galootiga ah, Isbahaysigan garabka midig ayaa lagu wadaa in uu ku guuleysto 43% codadka laga dhiibtay doorashada.

Meloni oo 45 jir ah ayaa markii ugu horreysay tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka la filayaa in ay noqoto haweeneydii ugu horreysay ee hoggaamisa dowladda midigta fog ee Talyaaniga.

Arrintaas waxa ay walwal ku abuuri doontaa inta badan waddamada reer Yurub, maaddaama Talyaanigu uu yahay waddanka saddexaad ee ugu dhaqaalaha roon dalalka Yurub.

Hase yeeshee, Meloni ayaa codbixinta kaddib sheegtay in xisbigeeda uu hoggaamin doono dhammaan dalka Talyaaniga oo uusan marnaba ka bixi doonin garabka shacabka iyo kalsoonida ay siiyeenba.

Xisbiga ugu weyn isbahaysiga bidixda dhexe oo ah xisbiga Dimuqraadiga ayaa aqbalay in laga guuleystay.

Xubin sare oo ka mid ah isbahaysigan ayaa ku tilmaamay guuldarrada soo gaartay isbahaysigooda “habeen murugo u ah dalka Talyaaniga”.

Xogta rasmiga ah ayaa muujinaysa in tirada codbixiyeyaashu u soo baxay doorashadan ay ku dhawaad ​​10% ka yar tahay ama ka hooseyso doorashadii u dambaysay ee sanadkii 2018.

Xisbiga Meloni ee Walaalaha Talyaaniga ayaa intii uu ku jiray ololaha doorashada aad u muujiyay in uu ka soo horjeedo muhaajiriinta.

Waxa uu isbahaysi kala dhaxeeyaa xisbiga Leegada ee uu hoggaamiyo Matteo Salvini iyo xisbiga Forza Italia ee uu madaxda ka yahay raysul wasaarihii hore ee Talyaaniga, Silvio Berlusconi.

Xisbiga Walaalaha Talyaaniga ee ay hoggaamiso Meloni ayaa asal ahaan leh aragtida Faashiistaha, balse wuxuu isu arkaa in uu yahay xisbi weyn oo asal raac ah oo u ololeeya furfurnaanta ganacsiga iyo xorriyadda lahaanshaha shakhsiga.

Waxa uu taageeraa agartiga gaashaanbuurta NATO balse waxa uu ka soo horjeedaa siyaasadaha qaar ee ururka Midowga Yurub.

Haweeneyda la filayo in ay noqoto Raysul wasaaraha Talyaaniga, Giorgia Meloni, ayaa iyadu aad u taageerta xayiraadaha ka dhanka ah dowladda Ruushka, sababo la xiriira duullaanka uu ku qaaday dalka Ukraine, inkasta oo aragtidaas uusan hadda la wadaagin Matteo Salvini oo hoggaaminaya xisbiga Leegada, oo ka mid noqon doona xulufada xisbigeeda.

Silvio Berlusconi ayaa ku faanay saaxiibtinnimada kala dhaxeysa madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin, waxa uuna ku doodayay in hoggaamiyaha Ruushka 'lagu cadaadiyay' in uu ku duulo dalka Ukraine.

Xisbiga Walaalaha Talyaaniga ee ay hoggaamiso Giorgia Meloni wuxuu farriimo taageero iyo dhiirigelin isugu jira ka helay xisbiga Sharciga iyo Caddaalada ee dalka Poland, xisbiga Fidesz ee uu hoggaamiyo raysul wasaaraha Hungary, Viktor Orban, iyo xisbiga Midigta fog ee dalka Spain ee lagu magacaabo Vox.

Giorgia Meloni waxay sanadkii 2008 noqotay wasiirka ugu da’da yaraa ee abid soo mara Talyaaniga, xilligaas oo ay 31 jir ahayd waxaa Wasiirka Dallinyarada iyo Ciyaaraha u magacaabay Silvio Berlusconi.

Post a Comment

0 Comments